Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka .

Munaasibad shalay lagu xusayay maalinta xuquuqul insaanka Aduunka oo Somaliland laga xusay ayaa lagu qabtay Hoteelka maansoor ee magaalada Hargeysa, taasoo uu soo qabanqaabiyey Komishanka xuquuqul insaanka Somaliland ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, wasiirka cadaalada gudoomiyaha maxkamada sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, ururada xuquuqul insaanka, masuuliyiin, qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqul Insaanka iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlay ayaa ka waramay doorka xuquuqda mudan in la wada ilaaliyo, isla markaana qofkastaa fahmo xaqa laysku leeyahay in lagu wada dhaqmo.

Gudoomiyaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur oo munaasibadaasi khudbad ka jeedisay ayaa ka warbixisay arrimaha ay wax ka qabteen Komishan ahaan iyo dacwado la xidhiidha xuquuqul Insaanka, waxaana hadalkeeda ka mid ahaa “Maanta waxaynu xusaynaa maalinta xuquuqul insaanka aduunka oo ku beegan 10-ka December sanad kasta aduunka laga xuso.

Somaliland-na waxa ka hawlgala arrimahaasi Komishanka xuquuqul insaanka, hadaan ka hadlo dhinaca dacwadihii soo galay maxkamada gobolka ee la xidhiidhay xuquuqul insaanka waxay ahaayeen 300 dacwadood, 46 ka mid ah dacwadahaasi haween ku dhaceen oo Kufsi ku jiro ayay ku saabsanaayeen, isla markaa waanu ka hawlgalay Komishan ahaan, ka dib 42 dacwadood way dhamaadeen, guud ahaana dacwadahaasi saddexda boqol ah waxa dhamaaday 100, waxa kale oo aanu kormeero ku marnay xabsiyo, saldhigyo Bilays oo dadka xidhan in xuquuqdooda la ilaaliyo Komishkani u taagan, waxaana xabsiyadeena inta badan la dhisay xilligii gumaystihii oo xilligaa dadku way yaraayeen, balse imika bulshada oo badatay in jeelashana la balaadhiyo xukuumada waanu u gudbinay, iyadoo guddiga Komishanka Xuquuqal insaanka Somaliland xukuumada uu ka madaxbanaan yahay waxa uu door firfircoon ka qaata guud ahaanba wax ka qabashada iyo hawlgalada arrimaha xuquuqal insaanka Somaliland oo qofkasta oo dhinaca xuquuqda dhibane ah garab istaaga”

Gudoomiyaha xuquuqal Insaanka Somaliland marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur waxa kale oo ay sheegtay in Komishan ahaan suxufiyiintii doraad la sii daayay soo dayntooda ay iyagu ka dambeeyeen, isla markaana saxaafada looga baahan yahay in aanay cidna ku gafin, saxaafadana aan aan lagu gafin, iyadoo sidoo kalena ka hadashay arrimo doora oo taabanaya xuquuqul insaanka.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka waxbarashada marwo samsam Cabdi Aadan, wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, xeer ilaaliyaha qaranka Xasan Axmed, gudoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil oo dhamaantood ka waramay xuquuqul insaanka iyo doorka Somaliland, isla markaana diinta Islaamku cadaynayso xuquuqda dadku isku leeyahay, isla markaana xeerarka iyo shuruucda xuquuqda ee aduunka iyo Somaliland u yaala wakhtigan xaadirka ah meel wanaagsan marayo, loona baahan yahay in qodobo u baahan in dibu eegis lagu sameeyo ay u taalo golayaasha sharci dajinta haday xeerka saxaafada, waxaana ay tilmaameen in saxaafada lafteedu xeerka u yaala dhigayo in suxufiga waaran maxkamadeed lagu qaban karo, macnaheedu yahay in la xidhi karo, balse qabashadiisa maxkamad la’aan layska xidhi karin.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland

 

· xaaji on December 11 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>