Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Ninkii Kursiga Maaganow, Masraxa Kaalay Doorashada!

Hadaf iyo himilo siyaasadeed oo ku salaysan dad iyo dal-jacayl dhab ah, iyadoo mudnaanta iyo muhimadda koowaadna la siinayo danta qaranka; aragti siyaasadeed oo togan kuna salaysan ka-wada-shaqaynta danta guud, wanaagga oo la isku guubaabiyo, wixii dalka iyo dadkaba u soo kordha oo lagu farxo la isuna bogaadiyo; wixii magac-xumo, sumcad-darro iyo meel ka dhac ku ah milgaha siyaasadeed ama wax u dhimaya haybadda qaranka oo laga fogaado; quluubta iyo maskaxda bulshada oo wanaag la gashado; codbiyeyaasha oo laga dhaadhiciyo martabaha iyo majaraha Xisbiga haga ee uu Xisbi walba ku soo bandhigayo inay iyagu talada iyo hoggaanka dalka u dhaami lahaayeen Xisbiga hadda talada haya, …. arrimahan kor ku xusan ayaa Xisbiyada Mucaaridka u horseedi kara inay si dhab ah ula tar-tamaan Xisbul Xaakimka.

 

Hanashada quluubta iyo maanka cod-bixiyeyaashu waa farsamo u baahan hayal-samaan siyaasadeed oo aad u xeel-dheer taasoo salka ku haysa daacadnimo, run-sheegnimo, waayo-aragnimo, dulqaad, tab iyo farsamo siyaasadeed oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo. Helitaanka kalsoonida shacbigu waa qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa ee ay u tartamayaan Xisbiyada Qaranka ee siyaasadda ku loollamaya. 

 

Haddaba, weli iyadoon doorasho Madaxtooyo iyo mid Barlemaan midnaba la gaadhin, ayaa waxaad mooddaa in Xisbiyada mucaaridka ahi ay quus iyo rajo-la’aan ka joogaan inay hantaan ama ay helaan kalsoonida aqlabiyadda shacbiga oo ay ku aaminaan talada iyo hoggaanka dalka. Codbixiyeyaashu waxay isha ku hayaan hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridka ah, waana iyaga (cod-bixiyeyaasha) kuwa go’aanka ugu dambeeya ka gaadhi kara cidda ay talada iyo hoggaanka dalka u igmanayaan ee ay ku aaminayaan.

 

Xisbiyada Mucaaridka ah; halkii ay iyagu horumarinta dalka iyo dadka horseed ka noqon lahayeen, haddii ay iyagu hor-taagan yihiin; haddii ay ka fogaadeen intii ay dadka ku soo jiidan lahaydeen oo ay adeegsadeen intii iyaga shacbiga ka sii fogaynaysay, su’aasha in la isweydiiyo mudani waxa weeyi: Maxaa Xisbiyada Mucaaridka laga sugi karaa, halkayse ku sugan yihiin?? Hamuumta iyo u Han-qaltaagga kursiga iyo hoggaanka dalka ugu sarreeya laguma hanan karo cay, aflagaado iyo mucaaridnimo ku salaysan qof ama qabiil nacayb, kala qaybin bulsho iyo ummadda oo la iska horkeeno. Waana tubta ay hayaan Xisbiyada Mucaaridka ah ee JSL.

 

Waxa loo tar-tamayaa waa kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL. Kasbasha kalsoonida shacbigu waa arrin aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah himilada iyo hiigsiga siyaasadeed ee ay leeyihiin Xisbiyada uu tartanku ka dhexeeyo. Haddaba, marka ay Xisbiyada Mucaaridka ahi carqalad ku noqdaan horumarka iyo wax-qabadka ay Xukuumaddu ku tallaabsato, oo ay mar walba u tafo-xaytaan inay tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaado ay ummadda ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno, hab-dhaqanka noocan ahi waxa uu keliya sii fogaynayaa taageerada cod-bixiyeyaasha oo ah kuwa ay ku xidhantahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta.

 

RABBI naxariistii Janno ha ka waraabiyee Abwaankii Qaaliga ahaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), tixdiisii Gurmad (20/10/2005) ee uu ka tiriyey ololihii doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL ee sannadkii 2005, qaybo tixdaasi ka mid ah oo halkan ku soo qaatay wuxuu Abwaanku innagu hogo-tusaaleeyey sidan soo socota: 

 

Xilligu waa goor wax saar,

Gegaa lagu dheelayaa

Shacbigu ka gar-soore yahay.

Waxaa guul sheegan kara

Cidday u gartaan iyagu.

 

Haddaad tahay guur-u-meer

Garaabo adoon qubqubin,

Daweynaha soo gab yidhi,

Waxaad ka gadayso mari!

 

Abaalkana waa gudnaa

Waxaad noo gashee horiyo

Gadaal waxaad maagantahay

Bal noo sheeg waa golee,

Waxay dadku kaa guntaan!

Kol ay tahay, Gaafanoow!

Haddaad gallad weydo kale:

“Estii” gudahaan ahaa

Ri’ baan beri gees ka riday!

 

Nimay kala gees yihiin

Inuu libintiisa gado

Ninkii yidhi guul ka dhigo

Gub baa kaga dhacay halkaa.

 

Haddaad Garas diiddan tahay

Ku koob dirirtaada Garas.

Ha nicin gobolkuu ka yimi!

Ha giijin xadhkaa ha jarin!

Ha goyn waxa laysku yahay!

 

Magliga gacal loola baxay

Gondaa uma dhaadhacee,

Ha gaadhin laftoo ha jabin,

Afkaagana godob ka dhawr!

 

Mar baa jirta gumac la riday

Galaafto ninkii ridee,

Nin iinloow, daa gujada!!!

 

Ciyaartuna gebagebiyo

Waxay joogtaa gamtii

Halkay ku gudhaysay talo.

 

Gefkana xeer baa ka yaal;

Ninkii ku kacaa xad-gudub

Wuxuu gelayaa off-side,

Allow garansii nin moog! 

 

Gebagabo:

Waa dhacdo dabiici ah inaan cid waliba ku qanci doonin horumarka bulsho iyo wax-qabadka uu qaranku ku tallaabsado, guushana cid waliba kuma faraxdo oo cadow badan ayay leedahay. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay la kulanto carqalado iyo xag-xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga. Shaki kuma jiro in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin, qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u arki karaa. Sidaa daraadeed, Xukuumaddu ha ku dhiirrato inay si cad oo togan u difaacato wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid. Waxa lagama-maarmaan ah in la difaaco hurumarka, hiigsiga iyo himilada ay ummaddu leedahay. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay.

 

Shacbiga waxa ku waajib ah in aanay marnaba ka gabban toosinta iyo taakulaynta wixii Xukuumadda ka qalloocda. Waxa kale oo aan shacbiga ku guubaabinayaa inay ka gudbaan u habrashada qabiilka dabarka iyo hoggaanka ugu xidhay nin ama koox qalloocan oo hayb-qabiil lagu taageerayo, kaasoo haba yaraatee aan dantooda innaba wadin inuu iyaga ku danaysto mooyee. Shacbiga waxa ku waajib ah inay runta iyo xaqa u hiiliyaan oo ay Xukuumadda ku taageeraan wixii wanaag ah iyo dedaalka ay ugu jirto ka rumaynta himilada ay ummaddeenu leedahay. Xisbiyada Qaran ee Mucaaridka ahna waxaan leeyahay: “Ninkii Kursiga Maaganow, Waddada Xilka loo Mariyo, Masraxa Kaalay Doorashada”

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

· abdi on December 12 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>