Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dhakhtar Ku Guda-Jira Badbaadinta Bukaan Xaaladdiisu Deg-Deg Tahay Oo Ay Xidheen...

Hargeysa (Hargeysa Online)Dhacdaddan oo uu la kulmay wariye madax-banaani oo markaas u joogay cisbitaalka inuu soo booqdo qof qaraabadiisa ah ayaa ka fajacisay dadkii halkaas ku sugnaa ee lahaa bukaan, dhakhaatiir, iyo hawl-wadeeno kaleba. Waxay ahayd abaaro 9-kii subaxnimo ee maanta (Shalay) xilligaas oo dhakhtarkan la xidhay uu gacanta ku hayay mid ka mid ah bukaanadda uu ku qornaa inuu xalaadooda la socdo uu u amba-baxinayay goob caafimaad oo ka baxsan cisbitaalka taas oo, sida qorshuhu ahaa, bukaanka lagu soo saarayay koombuyuutar loo yaqaan CT-SCAN-ka oo aan laga heli Karin cisbitaalka guud. Haddaba sida ay wax u dhaceen ayuu wariyahan waydiiyay mid ka mid ah dadkii goobtaa ku sugnaa sida ay wax u dhaceen, ayaa ku jawaabay sidan “..Odaygan (bukaanka) ayaa loo qaadayay AL-XAYAAT si koombuyuutar shalay loo qoray la soo saarayay, kadibna madaama bukaanku aanu socon Karin ayaa Tagsigan oo loo soo kiryeeyay loo soo dhaweeyay oo loo ogolaaday in gaadhigu gudaha soo galo. Haddaba gaadhiga ayaa taayirkiisu yar dhaawacay bulacaadaas oo ah mid gabowday oo kolayba u baahnayd dacayatir, mana dhamma dhaawacaasi nus mitir. Halkaas markay marayso ayaa mid ka mid askarta ilaaladda cisbitaalku u sheegay dirawalka, dhakhtarka iyo eheladda bukaanka inay gaysteen dhaawacan kooban sidaas daraadeedna ay tahay inay sameeyaan oo kuuli ugu yeedhaan kadib marka hawsha bukaanku u soo dhammaato. Arrinkaas askariga way ku qanceen eheladdii bukaanku waxayna sheegeen inay iyagu dhisayaan wixii hantaaqo gaadhay bulacaadaas oo ay waliba si wanaagsan oo calaamad leh u dhisayaan, waxaannay isla markiiba waceen qof usoo kexeeya hal wastaad iyo hal kuuli iyagoo isla markaana dalbaday inay horta bukaanka oo aan ilaa shalay maqribkii iyo ilaa saaka aan cunto cunin ay horta hawshiisa soo dhammayn doonaan, kadibna ay hawl-geli doonaan dhismaha bulaacadda. Iyaddoo is af-garadkaasi dhacay oo baabuurkii dhaqaaqayo ayuu nin cadhaysan oo la sheegay inuu yahay agaasime waaxeed-ku-xigeenka maamulka cisbitaalku af-lagaadeeyay dhakhtarka isla markaana hor-joogsaday in baabuurku dhaqaaqo oo uu baxo. Halkaas markay maraysay arrintii ayuu dhakhtarku u sheegay masuulkii maamulka ka socday in xaaladda bukaanku degdeg tahay isla markaana bukaanku aanu ilaa shalay galab aan cunto afkiisa gelin oo loo ogolaado bukaanku inuu ka baxo cisbitaalka. Hasa ahaatee, agaasime-xigeenkii maamulka ayaa dhakhtarka ugu hanjabay inuu xidhi doono oo awood u u leeyahay tallaabadaas. Wax-yar kadibna askari ku lebisan ciidanka booliska isla markaana garbihiisa ka muuqdaan saddex xidigood aan kana mid ahayn ciidanka cisbitaalka, oo uu waddo agaasimaha maamulka ee cisbitaalku uu dhakhtarkii halkii ugu yimid, askar u dalbaday kadibna u qaaday xagaa iyo saldhiga booliska.

Markaas wariyuhu xaal waraysanayay goob-joogaha waxa dhacdada ka soo wareegay labba (2) saacadood waxaana wali halkaa ku sugnaa tagsigii oo guduhiisa uu ku dhex silicsan yahay bukaankii iyo qaar ka mid ah eheladda bukaanka oo aad uga niyad xun sida wax u dhaceen kana warwarsan in bukaanka xaaladiisu faraha ka bixi karto.

Dhakhtarka la xidhay oo magaciisa la yidhaa “Dr. Cabdiraxmaan” ayaa ka mid ahaa dufcaddii dhakhaatiirta ahayd ee dhawaan ka soo qalin-jabiyay Jaamacadda Hargeysa una joogay cisbitaalka inay si mutadawacnimo ah u caawiyaan dadkooda. Xadhiga Dr. Cabdiraxmaan iyo amar-ku-taaglaynta ayaa ka cadhaysiiyay eheladdii bukaanka iyo qaar ka tirsan dhakhaatiirta kale ee ay isku lodka ahaayeen kuwaas oo u dacwooday taliye-ku-xigeenka booliiska, Fooxle, oo markuu arrinta baadhay xidhay sarkaalkii dhakhtarka xidhay isla markaana soo daayay dhakhtarkii muddo 3 saac ah kadib. Waxa kale oo dhakhaatiirtii iyo Dr Cabdiraxmaan abaareen wasaaradda caafimaadka oo ay ka codsadeen in raali-gelin laga siiyo dhakhtar gefkii loo gaystay bukaan la dayacay iyo dhakhtary laga horjoogsaday gudashadda waajibaadkiisii. Sida uu noo xaqiijiyay dhakhtar oo aan tilifoonka kula xidhiidhnay wasaaradda waxba kama qaban cabashadoodii.

Dhakhtarka Guud oo uu dhisay  Gumaystihii Ingiriisku sanaddihii kontomeeyaddii ayaan ilaa imika maamuladdii Soomaalilaan soo maray wax badan ka qaban badanka dhismayaashiisa marka laga yimaado meelo dhowr oo la dhisay ama la dayactiray. Waxaa xaaladda liidata ee dhismaha ka sii daran, adeeg xumada iyo dhakhaatiir la’aan baahsan oo alaaba lagaga cawdo cisbitaalkan oo ay ku tiirsan yihiin dhamaan dadwaynaha reer  Soomaalilaan ee lixda gobol.

Haddaba waxaa dhawaanahan la filayay in meesha ay ka baxdo dhakhaatiir yaraanta in badan laga cabanayay kadib markii ay dhowr difcadood oo dhakhaatiir ahi ka soo qalin-jabiyeen jaamacaddaha Camuud iyo Hargeysa balse taasi sidaa uma dhicin oo waxaa jirta in cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo wasaaradda caafimaadku ku fashilmeen inay abuuraan jawi dhakhaatiirta reer Soomaliland ay ku soo dhiiraadaan, uguna shaqeeyaan dadkooda.

Masuuliyiinta Sare ee qaranka, Guddida Caafimaadka gobolka, iyo wasiirka caafimaadka waxaa u taalla inay badhaan sababaha keenaya in dhakhaatiirtii u soo qalin-jabisay dalku ay badankoodu ugu baxeen dalal kale oo ay ka mid yahay dalka Soomaliya ee aan jaarka nahay oo halkaan oo in ka badan kala badh dhakhaatiirtii loo tabobaray dalku ugu shaqo tageen. Xaga dib u dhiska iyo ballaadhinta dhismayaasha cisbitaalka guud ayaan ahayn dhaqaale la’aan balse ah maamul-xumo dhaqaale taas oo ay makhraati u tahay waddadda madaxtooyadda iyo cisbitaalka hor marta oo dhawaan lagu kharash-gareeyay aduun dhan 250,000 Doolar xilli cisbitaalkii guud la il daran yahay dawo la’aan, maamul-xumo, dhakhaatiir la’aan iyo arrimo kale oo haddii aan la xallin yeelan doono cawaaqibo xumo raagta.


Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Hargeysa, Somaliland
Phone: 063-4402360

· abdi on December 12 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>