Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Al-shabaab oo dagaal socday muddo saacado ah xalay ku qaadday degmada Baydhabo.

Kooxda Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa weerar xooggan oo saacado socday ku qaadday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Goobaha la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa: saldhigga weyn ee booliiska Baydhabo iyo halka uu daggan yahay xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid tiro xildhibaanno ah oo dhawaan soo gaaray Baydhabo.

Sidoo kale, goobaha dagaalka lala beegsaday waxaa la mid ahaa saldhigga ciidamada madaniga ah ee magaalada, iyadoo dhinacyadu ay hubka fudud iyo midka culus isku adeegsadeen.

Xoogagga Al-shabaab ayaa goobihii ay xalay sidoo kale weerareen guriga uu daggan yahay guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Biikole iyo hoteelka uu daggan yahay xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa waxaa saakay lagu arkayay dhiig badan oo daadsan, iyadoo wararku ay sheegayaan inay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaartay, inkastoo aan cadadkooda si rasmi ah loo ogeyn.

Intii uu dagaalku socday ayaa waxaa waddooyinka magaalada qaarkood laga maqlayay takbiir ay ku dhawaaqayeen xoogaggii Al-shabaab ee dagaalka ku soo qaaday magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa wuxuu sababay khasaare maaliyadeed iyadoo uu ku gubtay guri, sidoo kalena ay waxyeello kasoo gaartay masjidka Balka oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo, iyadoo bam-gacmeed lagu tuuray guri uu deggen yahay xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Bay, mudane Mumadey, balse ma jirto wax khasaare ah oo isaga gaaray.

Iskahorimaadkii xalay ayaa waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ah Fanaan lagu magacaabo Maana-weel, iyadoo dadweynaha magaalada Baydhabo ay saakay si aad ah isku weydiinayaan dagaalkii xalay dhacay.

 

Cadnaan cali Maxamuud. 
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online. 
Mogdisho,Somaliya.


 

· abdi on December 12 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>