Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Habeenka dhaqanka iyo Waxbarashada Soomaaliyeed oo Magaalada Minneapolis lagu qabtay.

Munaasabad uu soo qaban-qaabiyay ururka Shanta Link oo ay ku midaysan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo wax-ka-barata Jaamacadaha gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kana shaqeeya ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo sare u qaadida waxbarashada ayaa lagu qabay magaalada Minneapolis iyadoo ay kasoo qaybgaleen dad aad u fara badan oo isugu jiray qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.


Madasha ayaa waxaa ka hadlay dad isugu jiray aqoonyahanno, xubnaha ururka Shanta Linka iyo waliba qaarka mid ah ardayda Soomaaliyeedee Minnesota oo Gabayo iyo sugaal kale meesha ku soo bandhigay.
Cusmaan Calool-geel, oo mid ah madaxda ururka Shanta Link ee munaasibadda soo abaabulay ayaa goobta kasheegay in ay muhiimtahay in la ilaaliyo dhaqanka iyo luuqadda Soomaaliga isagoo ku tilmaamay in ay labaduba tiir-dhexaad u yihiin jiritaanka bulshadda Soomaaliyeed.
“Sidaaad og-tihiin dadkeenna Soomaaliyeed ee ku nool wadamada qurbaha waxaa aad u sahlan in ay iloobaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhaqanka iyo luuqaddooda hooyo ee ay gaarka u leeyihiin, maadaama ay darisi yo deegaan la noqdeen dhaqamo iyo luuqado kale oo laga yaabo in ay kafac-weynyihiin kuwayaga,” ayuu yiri CusmaanCalool-geel.
Inj. Cabdikariin Suleemaan oo isna ka  mid ah xubnaha ururkaan, ayaa goobta ka sheegay in ay ururahaan isku soo taageen in ay gacan ka geystaan sidii ubadka Soomaaliyeed ee ku barbaaray ama ku dhashay wadamada qurbaha loo barilahaa dhaqanka iyo luuqaddooda hooyo.

“Waxaad ogaataan in ay sahlantahay in ay da’yartu iloobaan ama ay ka tagaan dhaqanka iyo luuqaddooda intaba, waana taasi waxaan ku dhiira geliyey kooxdaan dhalinyarada Soomaaliyeed in ay aas-aasaan ururkaan ay ku midaysanyihiin ee Shanta Link, Si ay kuwa iyaga ka yaryar u baraan dhaqanka, hidaha iyo luuqaddooda intaba, islamarkaana loo dareensiiyo in ay sida ummaddaha kale leeyihiin waxyaabo badan oo iyaga u gaar ah,” ayuu yiri Cabdikariin Suleemaan ooxubinka ah Shanta Link.
Cabdikariin Suleeman ayaa ka codsaday dhalinyaradii munaasibadda ka soo qeybgashay iyo guudahaan bulshadda Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ururkaan dhalinyaradu aas-aaseen oo uu ku tilmaamay kuwa ugu macquulsan ee gacan ka geysan kara sidii da’yarta kale loogu ababin lahaa dhaqanka iyo luuqadooda.
“Waxaa horray loo yiri Ratiga dambe waxaa uu leeyahay Ratiga hore saan-qaadkiisa, marka dhalintaan waa u fududdahay in ay dhaqanka, luuqadda iyo wax waliba oo bulshada Soomaalida u gaar ah u gudbiyaan jaalkooda ay isku facayihiin,” ayuu yiri Cabdikariin Suleemaan.
Munaasibaddaan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay agab ka dhaqanka Soomaaliyeed nuucyadiisa kala duwan, kaasi oo uu goobta keenay Cusmaan Axmed oo ah nin aruuriya qalabka iyo hidaha Soomaalida gaarka u ah, isla markaana Minnesota markii ugu horraysay kafuray Matxaf dhaqameedkii ugu horreeyey oo Soomaali leedahay.
Madasha ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Sandhool Khalaf, oo isuguna ka mid ah dhalinyaradda Ururkan , waxaana uu sheegay in ururkoodu horraantii sanadkaan deeq lacageed oo waxbarasho guddoonsiiyeen laba gabdhood oo ka mid ah da’arta Soomaaliyeed ee wax kabarta dugsiyada sare, kuwaas oo lagu soo xulay in ay si wanaagsan u yaqaaneen luuqadda Soomaaliga.


“Shanta Link waa  ururkii ugu horeeyay ee ay Soomaali leedahay oo tillaabadaasi qaada, islamarkaana go’aan kugaaray in ay sigaar ah diiradda u saaraan waxbarashada iyo dhaqanka, kaddib markii aan dareennay in labaduba muhiim u yihiin in la baro caruurteena, sidoo kalana waxaan rajeynaynaa in aan horraanta sanadka soo socda deeq waxbarasho gudoon siino arday Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sandhool Khalaf.
Dhalinyarada Shanta Link waxaa ay ka codsadeen guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed in ay ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha, si ardayda gobolka loogu bixiyo deeqo waxbarasho  oo ay u baahan yihiin.

 


Hargeysa Online 

New York City NY

· abdi on December 18 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>