Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirka Duulista Oo Xidh-xidhay Tagsiile-yaal Ka Gadooday Shirkad La Sheegay Inuu Kooto Ugu Xidhay Adeegyadii Ay Madaarka Hargeysa.

Wasiirka duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa amar ku bixiyey in la xidh-xidho tagsiileyaal mudo 20 sano ah ka xoogsanayey madaarka Hargeysa, kuwaas oo shalay ka gadooday dhimse ay barxada ay baabuurta dhigtaan ka dhisanaysay shirkadda Raaxo Taxi oo la sheegay inuu wasiirku kooto ugu xidhay adeegyadii ay madaarka ka qaban jireen.


Shirkadda Raaxo Taxi oo ay iska leeyihiin rag ganacsato ahi ayaa sida ay Hargeysa Online u sheegeen qaar ka mid ah tagsiile-yaashaasi uu wasiir Maxamuud Xaashi uu u ogolaaday inay la wareegto dhamaanba adeegyadii ay qaban jireen tagsiile-yaashaas oo nolol maalmeedka qoysaskooda kula tacaala waxa-yar ee ka soo gala dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya madaarka Caasimadda.

Gaadiidleydan ka xamaasha madaarka Igal International Airport oo tiradoodu ka badan tahay 60 Tagsiile ayaa markii ay shalay dareenkooda ku muujiyeen saamaynta ay arintaasi ku yeelanayso noloshooda ayaa markiiba dhamaantood saldhiga madaarka loo wada taxaabay, kuwaas oo markii danbe la sii daayey intoodii badnayd, lagana reebay Guddoomiyihii iyo ku xigeenkii Iskaashatada tagsiile-yaashaasi oo iyagu xalay u hoyday xabsigaasi.

Sida uu Hargeysa Online u sheegay mid ka mid ah tagsiilayaasha ka hawl-gala madaarka Hargeysa oo magaciisa ka gaabsaday in la shaaciyo sababo shaqadiisa la xidhiidha ayaa tilmaamay inuu Wasiirka duulista iyo hawada xukuumadda madaxwayne Siilaanyo uu go’aansaday inuu kooto ugu xidho adeegyadii ay halkaasi ka qaban-jireen in imika wixii ka danbeeya ay qabato shirkadda Raaxo Taxi oo ay shuraako ku yihiin Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha isgaadhsiinta Somaliland Dr Axmed Xaashi Oday iyo Khadar Bayle oo ah wakiilka Somaliland ee shirkadda diyaaradaha ee Juba Airways, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay awood lacageed iyo mid dawladeedba ku muquuninayaan.

Ugu horayna ninkaas tagsiilaha ahi isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Madaarka ilaa masalaha walaal mudo dheer oo ilaa 20 sano ku dhaw ayaanu ka shaqaysanaynay markaa ninkan wasiirka duulista ah Maxamuud Xaashi ayaa qolo tagsiilayaal ah oo Raaxo Taxi la yidhaahdo siiyey, markaa waxa naloo sheegay in la doonayo inaanu anagu meesha ka baxno, markaa halkaas ayuu khilaafka ugu wayni ka taagan yahay”. isaga oo hadalkiisa sii wata ninka tagsiilaha ahi ayaa waxa uu intaas raaciyey “Markii aanu arintaasi ka warhelnay ee aanu dareenkayaga ku muujinay ayaa dhamaantayo nala wada xidh-xidhay markii danbena afar nin mooyaana intayadii kale waa nala sii wada daayey, raga wali xidhxidhan ee ku jira saldhiga madaarka waxay kala yihiin Cabdi Cabdilaahi oo ah guddoomiyaha Tagsiilayaashayada, ninka kalena waa gudoomiye ku xigeenka oo Kayse ayaa isagana la yidhaahdaa iyo laba nin oo kale oo iyaguna Tagsiilayaasha ka mid ah oo la leeyahay xaalad ayey nagu abuureen iyaguna”.

Ninkaas tagsiilaha ah ayaa mar uu ka hadlayey raga uu la xidhiidhiyey inay arintan ka danbeeyaan ayaa waxa uu yidhi “Walaal inkasta oo aan warbixin dhamaystiran nala siinin hadana waxaanu ogaanay inay hawshan ka danbeeyaan rag ganacsato ah oo qaarkood madax ilaa heer wasiir ah ka noqdeen dawladda imika talada haysa oo sida Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Axmed Xaashi ninka la yidhaahdo oo kale oo iska leh shirkadda Raaxo Taxi la yidhaahdo. Mida kale maanta Axmed Xaashi waxaabu afkiisa nagaga yidhi mar uu madaarka yimid markii khilaafku dhacay maxaad la baqaysaan ila tartama meeshaba lacag ayaan ku qabsanayaaye”.

Dhinaca kale mar aanu isku daynay inaanu arintaasi xogo dheeraad ah ka helno ayaa waxa aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo qaban waayey telefoonkiisa gacanta oo aanu wacnay xalay.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· xaaji on December 19 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>