Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Maayarka Hargeysa oo Amarro kasoo saaray Shaqaalaha Hoteellada ee aan haysan Kaararka Caafimaad.

Maayarka Magaaladda Hargeysa, mudane C/raxmaan Maxamud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta amar ku bixiyey in aanay hoteeladda ka shaqayn doonin shaqaale aan haysan kaadhka caafimaadkooda.



Maayarka ayaa kaadhadhkooda caafimaad siiyey afartankiii shaqaale ee ugu horeeyey oo ka tirsan shaqaalaha hoteeladda magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ku bahoobay urur la yidhaa Barkhad organization oo heshiish wada shaqayn la leh dawladda hoose ee Hargeysa.

“Ururka Barkhad waxay noqdeen ururkii ugu horeeyey ee si dhab ah usoo dhoweyey, waxaana farxad noo ah in afartankii u horeeyey oo loo diray cisbitaalka guud ee Hargeys oo laba maalmood siiyey baadhista shaqaalaha noo keeneen natiijaddii caafimaad, kuwaas oo laga baadhayo cudurada faafa lixdii biloodba mar”ayuu yidhi agaasimaha arimaha bulshadda ee dawladda Hoose Hargeysa Khadar Yuusuf.

Maayarka Hargeysa C/raxmaan Caydiid, ayaa sheegay in la ganaaxayo hoteelka iyo shaqaalaha aan haysan kaadhka caafimaad ee uu ku shaqayn lahaa. “Hudheelka loogu yimaado isagoo shaqaalihiisu lahayn kaadh caafimaad hoteelka waa la ganaaxi doonaa, qofka shaqaalahana waa la ganaaxi doonaa,dhicina mayso inay dib uga shaqeeyaan, ururkan waa ururka kaliya ee aanu u aqoonsanahay inay yihiin ururka xirfadleyda shaqaalaha hoteeladda”ayuu yidhi maayarka Hargeysa C/raxmaan Soltelko.

Dhinaca kale, Maayarka Hargeysa ayaa shacabka magaaladda Hargeysa ugu baaqay inay ka qaybgalaan iska wax u qabsada lagu dhisayo garoonka xawaadle ee waqooyiga magaaladda Hargeysa, kaas oo deyr balaadhan lagu wareejin doono.

Maayarka ayaa sheegay in dhagxaanta guryaha hortooda la dhigto oo hore loogu digay dadweynaha hor dhigtay ay la wareegi doonaan, isla markaana ku dhisi doonaan Dayrka garoonka Xawaadle ee magaaladda Hargeysa.

“Barritoole laga bilaabo dhagxaanta guryaha horteedda yaalla ee demgadda 26 june gadiidka dawlada hoose way guranaysa cid ay wax ka waydiinaysaa ma jirto, waxaana lagu dhisaysaa dayrka garoonka”ayuu yidhi Soltelko, waxaanu intaas ku daray “ maalinta isniinta waxa gali doonta dufcadi u horaysay ee iska wax u qabso ku dhisi doonta garoonka oo shirkadihii aanu ka codsanay mid ka mid ahi Injineeradoodu bilaabi doonaan, waxaana Kuulli ka noqon doona ciyaartoyga iyo golaha deegaanka”

Sidoo kale, waxa uu maayarku sheegay in maanta la bilaabay jardiimo lagu nasto oo laga hirgalin doono cisbitaalka weyn hortiisa, isla markaana loo samayn doono meel gaadiidku istaagaan oo laga qaado lacag, waxayna noqonay goobtii ugu horeysay ee parking ah oo lacag laga qaado.

Dadweynaha qaar ayaa dhagxaan tuulo guryaha hortooda si ay gaadiidka ugu soo dhowaan, isla markaana wadooyinka cidhiidhi galiya, taas ayaa keentay in maanta amar laga soo saaro dhagxaantaasi.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· abdi on December 21 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>