Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dalka Koonfur Afrika oo Sannadkan lagu dilay 80-qof oo Somalia ah.

Illaa 80 ruux oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dalk Koonfur Afrika sannadkan 2013-k, sida ay muujiyeen tirakoobyo la sameeyay, iyadaoo sidoo kale ay dhaceen gabood-fallo kale loo geystay dad badan oo Soomaaliyeed, sida boob iyo dhac loo geystey ganaciyadooda.

Dadkan la dilay ayaa 54 ka mid ah waxaa lagu dilay gobolka Western Cape ee ay Cape-town xarunta u tahay, waxayna tani ka dhigeysaa meeshii ay ka dhaceen dilalkii ugu badnaa ee Soomaalida loogu geystay dalkaas. Iyadoo la sheegay in illlaa 700 oo goobood oo ganacsi la boobay sannadkan.

Waxaa la sheegey in dhacdooyinkan qaarkood ay Soomaalida iyada sabab u ahayd kaddib markii muwaadiniin Somali ah ay waxyeeleeyeen dad Koonnfur Afrikaan ah, taasina ay ka dhalatay carro iyo gadood horseeday in boob loo geystay dukaamada Soomaalida.

Sidoo kale, waxaa jira beylah iyo dhiifooni la'aan Soomaalida dhankeeda ah oo horseedda dhibaatooyinka dhaca qaarkood, iyadoo sidoo kale dhibanne u ah heerka dambiyada dalkaas ka dhaca oo ka mid ah kuwa ugu baddan adduunka.

Sababaha kale ee dhibaatooyinka ku dhaca Soomaalida loo tiirinayo waxaa ka mid ah is-dhexgal la’aan Soomaalida iyo muwaadhiniinta kale, is-faham xumo, aqoon la'aanta luuqadaha maxalliga ah, iyo waliba Soomaalida oo aanan helin wacyi-galin ku saabsan bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Waxaa kale oo jira sababo kale oo ay ka mid yihiin in ganacsiga Soomaalida ay ku jirto uu yahay ganacsiga obosiibada ah ama aan dowladda u diiwaan-gashanayn, deegaannada ay ka ganacsadaan oo ah goobihii lagu karantiilo jiray dadka madoow xiligii midabtakoorka halkaasoo ay ku badan yihiin dambiyadda, isla markaasna ku yar yihiin saldhigyadda booliiska.

Arrimaha waxaa uga sii daraya Soomaalida oo marka dambiyo laga galo aan ku samaynin wax daba-gal ah iyo waliba marqaati fur marka maxkamadda la keeno qofkii dambiga geystay, taasina ay keento in dambiilihii la sii daayo oo mar kale uu galo dambi la mid ah kii markii hore lagu qabtay, maadaama uu ka baxsaday sharciga. Iyadoo aan la inkiri karin ajnabi nacaybka ku dhex-bullaalay bulshada Koonfur Afrika.

Magacyada ganacsatada Soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxaa ka mid ah: Xuseen Cali Jimcaale oo lagu dilay Cape-town, Cabdikariin Faarax oo lagu dilay Port Elizabeth, Muuse Sheekh Nuuradiin Rooble Xuurshoow oo lagu dilay deegaanka Rid-Rid oo ka tirsan magalada Cape-town, C/rashiid Good oo lagu dilay dhagax iyo sidoo kale, C/salaan Nuur Muxudiin iyo Maxamed Xasan Muxyaddiin oo lagu dilay dukaamo ganacsi oo tuulada Limpopo, iyadoo dilkooda loo adeegsaday bangadho Iyo toorreeyo.

· abdi on December 31 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>