Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Hadii Xukuumadu Isku Koobto Wada-Hadalada Somalia In Wadaxaajood La Furi Doono Dawlada Xamar.

Guddomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay in hadii ay xukuumaddu ay isku koobto wada-hadalada ay Somalia la galayso oo aan laga talo galinin axsaabta mucaaridka inay labadooda xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani ay wada-hadalo gaar ah la furi-doonaan dawladda Muqdisho.

Faysal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay inaanay haboonayn in wakhtigan ay Somaliland wax wada-hadal ah la furto Somalia isaga oo sababna uga dhigay inaanay dawladi wakhtigan ka jirin dalkaasi, isla markaana waxa uu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey inaan masiirka ummadda aan lagu aamin-karin.

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay madaarka Hargeysa kula hadlay warbaahinta isaga oo sidoo kale ka warbixiyey safar uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta. Ugu horayna isaga oo socdaalkiisa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan muddo safar ugu maqnaa Imaaradka Carabta oo ujeedada ama muraadka ugu wayn ee aan u tagay halkaasi uu ahaa dad reer Somaliland ah oo mudo-kar ah oo karaamo leh ayaan doonayey inaan kala soo tashado shirkan dood-qarameedka oo wixii firgad ah ee ku saabsan shirkaasi inaanu iyagana ka helno, markaa muraadkayga ugu weyni kaasi ayuu ahaa waanan la soo kulmay oo talooyin badana way na soo siiyeen oo waxaanu ku soo bandhigi-doonaa shirka Insha Allaah”.

Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlaya wada-hadalada la filayo inay 15-ka bishan January u furmaan Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Shirkaa waa la tagayaa bisha 9-keeda oo waan yaaboo waxaan is idhi tolow yey la shirayaan meesha dawladi ma jirtee markaa wax lala yaabo ayey noqotay oo waxaana meeshaa iiga muuqatay in qoladan reer Xamarku ay farta inoogu yeedhayaan oo ay odhanayaan mar kaalaya hadana dibaanu u dhignay, sidaad maqasheena axsaabta waxna lama waydiinin waxna looma sheegayo oo taasi waxaanu leenahay tafaraaruq ayey bulshadda ku keeni-doontaa oo Kulmiye kalidii xaq uma laha inuu wada-hadalada Somaliland iyo Somalia galo oo ogolaansho uma haysto oo hadii uu Kulmiye taas galo anaga labadayada xisbi mucaaridna waxaanu Somalia la furi-doonaa wada-hadalo gaar noo ah oo aan anaga farta naloogu yeedhaynin ee aanu anagu farta ugu yeedhi doono”.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlaya wada-hadalada wakhtigan ee labada dalka oo uu saluugsan yahay, waxa uu yidhi “Mida kale waxaan arkaa inaanay suurta-gal ahayn wakhtigan inaynu Somalia wada-hadal la sii wadno oo inagiibaa kala daadsan oo dawladeeniina dawlad jilicsan ay tahay oo hogaankeeniibaa meel uu ka socda aan la garanaynin, mida kale waxaanu doonaynaa inaanu xisbiga Waddani la shirno oo shirkan la joojiyo oo inagu dhexdeena horta aynu isa-saxno. Waxaan u arkaa xukuumadeena wakhtigani inaanay ahayn dawlad ka bixi karta inay waayaha Somaliland iyo mustaqbalkeeda ka taliso maaha oo tii gudihii ayey nabadgalyadii faraha ka sii baxaysaa oo shacbigii ayaa la kala furfuray oo dalka gudihiisii ayey dalwado kale ka jiraan

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on January 07 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>