Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Kenya oo shaacisay magacyada saraakiil ajaaniib ah oo ay ku dishay duqeyntii ka dhacday Gedo.

Kenya ayaa shaacisay magacyada saraakiil ajaanib ah oo ay sheegeen iney Al-shabaab kaga dileen duqeyn ay dayuuradaha ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolka Gedo todobaadkii hore.

Sida uu qorey wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, Saraakiil dhanka sirdoonka qaabilsan oo ku sugan Somalia ayaa shaaciyey magacyada saraakiisha ajaanibta ah ee Al-shabaab looga dilay duqeyntaas.

Ajaaniibta Al-Shabaab looga digay weerarkaas ayaa waxaa lagu kala sheegay Imran Abu Jilali oo Al-shabaab uga yimid dalka Pakistan, Abdalla Al Manzur oo kasoo jeeda dalka Masar, Alakim Nurala oo ka yimid dalka Sudan, Abdul Hakim Mohamud hogaamiyaha Al-Qaeda dalka Yemen, Shukri Bin Khalifa oo isagana Al-shabaab uga yimid dalka Yemen

Duqeytan ayaa ka dhacday Degaanka Birta dheer ee magaalada Garbaahaarey ee gobolka Gedo, iyadoo Saraakisha sirdoonka ay sheegeen in Al Amud Bin Ibrahim oo ah qof si aad ah uga agdhawaa hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Godane lagana qaaday xilkii taliyihi ugu sareeyey Al-shabab ee Gedo iyo sarkaalkii isaga lagu badali lahaa oo lagu magacaabo Faradheere labadaba lagu dilay duqeyntaas Nus saac ka dib markii uu meesha isaga tagay hogaamiyaha Al-shabaab oo ay dayuuradaha Kenya beegsanayeen.

Duqeynta ka dhacday nawaaxiga Garbaaherey ayaa waxa uu hadafka ahaa hogaamiyaha Xarakada Al-shabab oo ka qeyb galaayey kulan isbadal loogu sameynayay saraakiisha Xarakada, Gacmadhere Mohammed oo Kenyan ah ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray duqeynta waxaana uu ahaa sarkaalka Al-Shabaab ugu qaabilsana abaabulka weerarada laga geysto dalka Kenya sida saraakiisha Kenya ay sheegeen.

Al-shabaab oo weerarkaas ka hadlay ayaa sheegay ineysan jirin haba yaraatee wax khasaare ah oo ka soo gaaray duqeynta lagu qaaday Birta-dheer, iyagoo xusay in ciidamada Kenya ay been sheegeen khasaaraha weerarkaas ka dhashay.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· abdi on January 17 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>