Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Somaliland Iyo Somalia Wadahadalkoodu Wuu Soconayaa.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay socdaal ugu amba-baxay dalalka Faransiiska iyo Britain, kaas oo sheegay in safarkiisu uu isugu jiro shaqo iyo mid caafimaadba oo uu ku tagayo dalalkaasi.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa socdaalkiisa lugta 1-aad ku tagi doona marka uu dalka Ethiopia oo uu sii marayo ka dhoofo wadanka Faransiiska, halkaas oo sida uu xusay uu ku tagi doono marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaasi, kaas oo tilmaamay inay ka wada hadli-doonaan arrimo la xidhiidha danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo France.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu tibaaxay inuu Faransiiska uga sii gudbi-doono dalka UK oo uu sida uu sheegay uu arrimo caafimaad iyo fasax ku tagi doono.

Waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa ee Igral International Airport intii aanu dhoofin, kaas oo sidoo kale ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Somalia uga socda dalka Turkiga oo uu ku sifeeyey inay Somaliland ku garnaqsanayso. Ugu horayna isaga oo arrimahaas ka hadlaya, waxa  uu hadalkiisa ku bilaabay madaxwaynuhu “Waxa wafti aan hogaaminayo u amba-baxayaa dalka Faransiiska oo aanu socdaal shaqo ugu  bixi doono marti-qaadna ka helnay, waxa intayada halkan ka baxaysa oo ah wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire iyo marwadda ku soo biir-doona wasiirka arrimaha dibada, wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka ganacsiga, markaa dalkaas Faransiiska oo marti-qaad naloogu sameeyey ayaanu tagi doonaa dhamaantayo”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Dalka Faransiisku waa dal wayn oo waa wadan xidhiidh naga dhaxeeyo waana dal aanu doonayno inaynu wax wada qabsigeena ama xag dhaqaale ama xag nabadgalyo-ba ha noqotee aanu doonayno sii kordhino xidhiidhka inaga dhexeeya, waxa la inooga baahan yahay inaynu mar walba siyaasadeena fidino oo aynu dunida la xidhiidhno isla markaana aynu kordhino wada-shaqaynta aynu la leenahay dawladaha waawayn ee dunida oo xidhiidhka aynu la leenahayna uu noqdo mid wax ku ool ah oo wanaagsan. Markaa martiqaadkaas Faransiisku waa mid aanu ku faraxsanahay oo aanu uga mahadnaqayno oo waliba aanu rajaynayno inuu midho-dhalo, waxaanan intaas ka hor mudo yar oo kooban sii joogi doonaa dalka Ethiopia oo aanu aakhirska ka sii gudbi-doono”.

Madaxwayne Siilaanyo mar uu ka hadlayey socdaalkiisa Faransiiska, waxa uu yidhi “Insha Allaah waxa aan rajaynayaa inuu shirkaasi noqdo mid lagu soo guulaysto, mida kale waxa aanu rajaynaynaa in Faransiiska ka dib aanu uga sii gudubno dalka Ingiriiska oo aanu isagana mudo yar oo kooban oo fasax ah ku qaadano oo khuseeya arimaha xaga caafimaadkayga, markaa sidaas ayaanu ku amba-bixi doonaa waxaanan dalka iyo dadkaba farayaa nabadgayo iyo inuu Ilaahay nabadgalyadeena inoo sii adkeeyo”.

Mar madaxwaynaha la waydiiyey safiirkiisani inuu yahay mid caafimaad iyo inuu yahay mid ganacsi, waxa uu ku jawaabay “Dhinac walba wuu taabanayaa safarkayagani. Dawladda Faransiisku waa dal wayn oo Midawga Yurub ka mid ah waana dawlad aynu doonayno inaynu xidhiidhka inaga dhexeeya aynu sii xoojino, waad ogtihiin shirkadda Faransiiska ah ee doonaysa inay maalgaliso dekadda magaaladda Berbera, waana shirkad door wayn ku leh maalgashiga uu Faransiisku Afrika iyo dunidaba ku leeyahay markaa waxkasta oo aynu la qabsankarno waynu la qabsanaynaa dhinacakasta ha noqotee, waxaanan rajaynayaa inaynu ka faa’idaysano oo wax inooga soo kordhaan”.

“Somaliland iyo Somalia wada-hadalkoodu wuu soconayaa inta uu soconayo-na waynu wadaynaa, waxaananu rajaynaynaa inuu ka soo baxo Ictiraafka dawladda Somaliland, wada-hadaladana waxaynu ka doonaynaa waxa weeyi aqoonsiga Somaliland iyo mawqifka aynu taaganahay ee danteena iyo mas-laxadeenu ku jirto iyo inaynu walaalaheen reer Somalia iyo dunida ka dhaadhicino markaa ta aynu doonaynaa waa taas halka iyaguna ay ka doonayaan oo ay inagu riixayaan in Somaliland ay dib ugu noqoto Somalia laakiin waxaan idinka balan-qaadayaa maadaama oo aynu balan umadeenu qaaday oo aanay ahayn arintu siyaasad dawladeed oo ay qadiyadeenu tahay wax qaranku goostay oo uu ku go’aansaday madaxbanaanidiisa in dalwadayduna ay shacbigeeda iyo umadeedaba kaga wakiil tahay rabitaankooda.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa mar wax laga waydiiyey khilaafka kala irdheeyey xisbul-xaakimka Kulmiye iyo guddida turxaan-saarka ee uu u magacaabay-ba waxa uu xiisadahaasi ka hadalkooda iskaga riixay guddoomiyaha xisiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaas oo isagu markii uu madaxwaynuhu duulay ka dib ka hadlay khilaafkaas oo uu sheegay in is afgarad laga gaadhay.

Dhinaca kale madaxwayne Siilaanyo ayaa waftiga uu hogaaminayey waxa ka mid ahaa wasiirka qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire iyo Marwadiisa Aamino Waris, balse waftigiisa ayaa sida uu sheegay waxa dhexda ka sii raaci doona wasiiradda khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo ganacsiga Dr Maxamed C/laahi Cumar oo iyagu socdaalo shaqo ugu kala maqan dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

 

 

Ifraax maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on January 19 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>