Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Golaha Wasiirada Oo kawalaacsan Isku Shaandhayn Madaxweyne Siilaanyo Ku Sameeyo.

Golaha wasiirada xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay wadnaha farta kaga hayaan isku shaandhayn madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sameeyo golihiisa xukuumada, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah golaha wasiirada la sheegay inay walaac weyn ka qabaan haddii madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyo golaha wasiirada in xilalkooda ay waayaan.


Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa la sheegay in qasriga madaxtooyada ay qoolaaliyayeen xubno doora oo ka mid ah golaha wasiirada oo iyaga la sheegay inaanay xafiisyadooda ka soo xaadirin todobaadkii u dambeeyay.

Ilaa hada ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay madaxtooyada oo xaqiijinaya in madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayn doono golihiisa xukuumada ayaa hadana waxay ila wareedyo u dhuun daloola tibaaxeen xukuumada inay jiraan xubno badan oo ka tirsan golaha wasiirada oo iyaga la sheegay inay kurbo ka qabaan in seeftu la tagto marka ugu horaysa ee madaxweyne Siilaanyo ku sameeyo isku shaandhayn golihiisa xukuumada, kuwaas oo ila wareedyadu intaa ku dareen in xubno doora oo ka tirsan golaha wasiirada la saadaalinayo in seeftu la tagto.

Waxa kale oo ay ilo wareedyadu intaa ku darayaan inay sidoo kale jiraan xubno wasiiru dawlayaal, wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal guud iskugu jira iyagana la sheegay inay wadnaha farta kaga hayaan inay waayaan jagooyinka ay hayaan, kuwaas oo tibaaxuhu intaa ku darayaan in xubnaha agaasimayaasha guud ee sida weyn uga walacsan seefta xilka qaadistu la sheegay inay u badan yihiin agaasimayaasha ay wasiiradooda khilaafaadka wada shaqayneed uu ka dhex taagan yahay.

Ilaa hada lama oga haddii madaxweyne Siilaanyo isku shaandhayn ku sameeyo golihiisa xukuumada wasiirada uu xilka ka qaadi doono kuwa ay noqon doonaan, hase yeeshee waxa la saadaalinayaa in fartu ku godan tahay wasiirada ay wasaaradahooga shaqo xumo, musuqmaasuq iyo waxqabad la’aani ay ku habsatay.

Dhinaca kale waxa iyaguna jira xubno iyagu loolan ugu jira in madaxweyne Siilaanyo golihiisa xukuumada xilal uga magacaabo, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah la sheegay in xubnaha ay isku beesha yihiin ee golaha xukuumada ku jira haddii xilalka laga qaado in kuraasida ay baneeyaan ay buuxiyaan.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on February 25 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>