Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Golaha Guurtida Oo Ergooyin Nabad Raadin Ah U Kala Diray Xaaji Saalax Iyo Adhi-cadeeye.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa ergooyin nabad raadin ah u kala diray deegaanada Adhi-cadeeye iyo Xaaji Saalax oo kala tirsan gobollada Sool iyo Daad-madheedh, si ay u soo xaliyaan dilal iyo shaqaaqooyin kala duwan oo dhawaan dhexmaray beelaha wadda dega deegaamadaasi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay hadal ka jeediyay xidhitaanka kal-fadhigii 52aad ee golahaasi ayaa sheegay in ay gudi ka socota golaha guurtida u dirayaan degmadda Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh, halkaasi oo todobaadkan gudihiisa lagu dilay taliyihii saldhiga booliska ee degmadaasi kaasi oo la xidhiidhay aano qabiil.

Waxaanu tilmaamay guddoomiyaha guurtidu in dhibaatada ka dhex taagan beelaha degmadda Xaaji Saalax ay soo noqnoqotay, isla markaana golaha guurtida looga baahan yahay in ay arrintaasi si deg-deg ah wax uga qabtaan.“Dhibaato weyn baa ka dhacday degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh, ma aha tii ugu horaysay, tii labaadna ma aha, waanay soo noqnoqotay, arrintaasi waxay inooga baahan tahay go’aan adag iyo gacan bir ah, laba nin oo madax ah ayaa iska daba teg (dhintay) xal bay inooga baahan tahay, xal reer iyo mid qaranba way inooga baahan tahay, in si adag oo aan dib loogu noqon wax looga qabto ayay inooga baahan tahay iyadana cid ama guddi ayaynu u diraynaa, wefti baynu u diraynaa degdeg ah, kolay waa lagu baxay rag badan oo u guntanna waan arkayay iyaguna ha baxaane, iyaguna waynu ku baxayna” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Weftigan ergadda ah ee ka socota golaha guurtida ayaa la filayaa in ay maanta u anbabaxaan dhinaca degmadda Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh, si ay u soo xaliyaan shaqaaqooyinkaasi u dhexeeya beelaha halkaasi wada dega.

Gudidda ergadda ah ee ka socota golaha guurtida ee la filayo in ay beri u anbabaxaan dhinaca degmadda Xaaji Saalax oo ka kooban sagaal xubnood waxay magacyadoodu kala yihiin: Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Gudoomiye), xildhibaan Cabdinaasir Cabdilaahi Beegsi (Xogahaye), Xildhibaan muuse ibraahim awnuur jiciir, Xildhibaan cabdilahi ibraahim xirsi, Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, Xildhibaan Cabdilahi Maxamed Xaaji Huruso, Xildhibaan Xirsi Ciise Jamac, Xildhibaan Axmed Wabari Maydhan iyo Xildhibaan Diini Cabdilahi Hande.

Geesta kale guddi xildhibaano ah oo ka tirsan aqalka odyaasha Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, weftigaasi oo ay u jeedadda socdaalkoodu salka ku hayo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen xalinta shaqaaqo dhawaan labba beelood ku dhex martay deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool.

Xildhibaanadan ka tirsan golaha guurtida ayaa la sheegay in ay shalay kulan xafiiskiisa la qaateen guddoomiyaha gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan, waxaana la sheegay in kulankaasi ay badhasaabka kaga xog waraysteen xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaana dhinaca arrimaha nabadgelyada.

Kuwaasi oo halkaasi u tegay sidii ay u soo xalin lahaayeen shaqaaqo dhawaan deegaanka Adhi cadeeye ku dhexmartay laba beelood oo halkaasi wadda dega.waxaana la filayaa in ay u anbabaxaan dhinaca Adhi-cadeeye, isla markaana ay ka hawlgeli doonaan sidii ay isku soo horfadhiisin lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee ay shaqaaqadu dhex martay, si xal looga gaadho arrinta u dhaxaysa labadaasi beelood.

Weftigan ayaa waxaa xubno ka ah Xildhibaan Caydiid Cabdi Muxumed, xildhibaan Xareed Maxamuud Rooble, xildhibaan C/Qaadir Xuseen Mirre iyo xildhibaan Xasan Cumar Axmed.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on February 28 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>