Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Gabar Somaliyed oo ka mid noqotay Booliiska Gobolka Minnesota.

Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ayaa ka mid noqotay saraakiisha booliiska magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto saraakiisha booliiska magaaladaas.

Khadro Maxamed ayaa ka shaqeynaysay qaybta arrimaha bulshada ee booliiska St. Paul dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Khadro waxay kasoo jeeddaa Soomaalida dalka Kenya ku nool, waxayna ka baxday dugsiga sare sannadkii 2010-kii.

Sidoo kale, Khadro waxaa lagu wadaa inay ka qalinjabiso bisha May ee sannadkan 2014-ka machadka barashada barista dambiyada iyo cadaaladda ee St. Paul, iyadoo howsheedu ay noqon doonto inay difaacdo Soomaalida ku nool gobolkaas.

“Rajadii aan muddo badan qabay ayaan maanta ii rumowday, waadna garan kartaan inaan dadaal badan u galay sidii ay riyadeydu ku rumoobi lahayd,” ayay Khadro ku sheegay hadal ay bixisay markii garaadaha sarkaalnimo loo xiray.


Iyadoo sii hadashay ayay Khadro Maxamed ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minneosta, gaar ahaan haweeka inay dadaal u galaan sidii ay darajoojin sar-sare uga gaari lahaayeen hay’adaha kala duwan ee gobolka.

Ma jirto magaalo kale oo ka tirsan gobolka Minnesota marka laga reebo St. Paul oo u ogolaatay inay ka mid noqoto saraakiishooda booliiska haweeney Soomaaliyeed, sida Khadro oo kale.

Dhanka kale, magaalada St. Paul ayaa noqonaysa magaaladii ugu horreysay oo si rasmi ah u ogolaata in haweenka ka shaqeeya gobolkaas ee muslimiinta ah ay xirtaan xijaabka lagu yaqaan haweenka muslimiinta ah.

Taliyaha booliiska St. Paul, Tom Smith ayaa sheegay inay rajeynayaan Khadro ay tusaale u noqoto haweenka kale ee Soomaaliyeed ee doonaya inay ka mid noqdaan booliiska magaaladaas.

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ah gobolka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, waxaan dhawaan xilalka sarsare ee gobolkaas loo doortay dhallinyaro Soomaaliyeed oo rag ah.

HargeysaOnline.Net

· abdi on March 03 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>