Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Maalinta Haweenka Adduunka oo Muqdisho Laga Xusay.

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta haween-weynaha dunida ee 08-da Maarso oo ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdihso, iyadoo ururrada haweenka degmooyinka, booliiska, asluubta, fannaaniinta iyo isboortiga ay socod ku mareen waddooyinka iyagoo watay boorar.

 



Xuska oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta haweenka iyo xuquuql Insaanka ayaa waxaa gacan ka geysatay hay’adda CCD, waxaana kasoo qayb-galay xubn ay ka mid ahaayeen marwada madaxweynaha Somalia, wasiiradda haweenka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, saraakiisha ciidamada qalabka sida, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo iyo ururrada haweenka.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta gaadiidka booliiska iyadoo ay halkaas ay ku urureen haweenka Soomaaliyeed, kuwaaasoo soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, suugaan kala geddisan, guurow iyo gaadda-ka-ciyaar, waxaana kooxda baambeyda Qaranka ay garaacayeen muusigga iyo astaanta calanka.

Marwada madaxweynaha Soomaaliya, Qamar Cali Cumar, wasiiradda haweenka, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa waxay ciidamada booliiska iyo kuwa asluubta ka qaateen salaam-sharaf.

Wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo gaba-gabadii munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa hambalyo guud u dirtay dhammaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, iyadoo ugu hambalyeysay maalinta haween weynaha Dunida ee 8-da Maarso oo sannad walba dunida laga xuso kuna beegan maanta.

“Haweenka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarka bulshada, waxaan meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa maalinta 8-da Maarso oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida haweenka, waxaan u rajeynayaa haweenka Soomaaliyeed in sannadkaan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, barwaaqo, caafimaad iyo midnimo,” ayay Khadiijo Maxamed Diiriye ku sheegay hadalka ay jeedisay.

Munaasabadda ayaa kusoo gaba-gabowday jawi heer sare ah, waxaana caawa ka dhici doonta Muqdisho munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta haweenka adduunka, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.


HargeysaOnline.Net

 

· ifraax on March 09 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>