Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Way Iska Jirtaa Tabasho Laakiin Mid Anigu Aan Shakhsi Ahaan Tirsanayaa Ma Jirto.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay inay jiraan tabasho ay bulshadda deegaanada uu ka soo jeedaa ay qabto, kaas oo xussay inaanu isagu si gaar ah wax u tabanaynin balse qiray inay tabashooyin uu la qabo dadka deegaanadda bariga ee Sool iyo Buuhoodle.

Xaglo-toosiye ayaa sidoo kale mar kale deedefeeyey inuu wax khilaaf ahi u dhaxeeyo wakhtigan isaga iyo wasiirka madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu sheegay inay saaxiibo dhaw yihiin, kaas oo ku dooday in warbaahinta dalku ay buun-buunisay safar sida uu tibaaxay ahaa mid shaqo oo uu ku tagay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiir Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye waxa uu sidaasi ku sheegay mar ay shalay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa uu ugu waramay warbaahinta, kaas oo arrimo door ah wax lagaga waydiiyey halkaas ayaa sidoo kale beeniyey inuu is-casilaad marna maagay. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Arrintan saxaafaddu ilaa shalay (Jimcihii) sheegaysay maaha mid wax ka jiraan, warkaasina meesha laga keenay anigu runtii garanmaayo, ma jiro wax khilaaf ah oo aniga iyo madaxda xukuumadda noo dhexeeyaa, Burco-na aniga ayaa u tagay shaqo iyo dano gaar ah, markaa waxaan halkan ka caddaynayaa in aannu habayaraatee jirin wax khilaaf ah oo aniga iyo xukuumadda noo dhexeeyaa, in aannu jirin wax khilaaf ah oo aniga iyo shakhsiyaad xukuumadda ka mid ah noo dhexeeya. Saxaafaddu meesha ay warkaasi ka keentay garanmayno, waxaan u arkaa inuu tahay saxaafaddu mararka qaarkood waxay doonto ayey qortaa, anigana wax la igama maqal, xukuumaddana wax lagama maqal, khilaafna ma jiro ee waanigaa shaqadaydii wata”.

Wasiirka oo la waydiiyey su’aal ahayd ‘waxa jirtay inaad Burco tagtay kadibna wasiirro xukuumadda ka tirsan aad wadahadal ku yeelateen halkaasi, kuwaas oo markii dambi ku soo celiyey, ma waxaas oo dhan ayaan jirin? Waxa uu ku jawaabay, “Xaqiiqda markaan idiin sheego waxba kama jiraan, waa wax aad idinku dhoobdhoobteen. Wasiirraduna Burco ayey joogeen markaan tagay oo shaqo ayey u joogeen, aniguna shaqo ayaan u tagay.”

Dr Xaglo-toosiye mar wax laga waydiiyey inuu wax tabasho ah qabo, waxa uu yidhi “Tabashada, wax waa la kala tabanayaa mar walba, rag wadashaqaynayaana mar walba wax way kala tabanayaan, waanay iska jirtaa, tabasho anigu aan shakhsi ahaan tirsanayaa ma jirto, laakiin wax cadho la yidhaah.”

Mar la waydiiyey inuu ka biyo diiday odayaal ka yimi degaanka Widhwidh oo xukuumadda wadahadal ka doonaya oo loo gacan-dhaafay, ciidaammo loo qarameeyey waqtigii Somaliland heshiiska la galay oo laga jaray mushaharka iyo raashinka iyo inuu si gaar ah khilaaf u dhexmaray Wasiirka Madaxtooyada, waxa uu arrimahaasi kaga jawaabay, “Arrimahaasi ma jiraan ee waa been, ciidanku Buuhoodle ayuu joogaa gunnadii iyo raashinkii uu xaqa u lahaa cid goysay ma jirtee wuu qaataa. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi saaxiib baanu nahay, wax khilaaf ah iyo wax kale oo aan saaxiibtinimo ahayn oo naga dhexeeyaa ma jirto.

Waxaas oo dhan ma jiraan, run ahaantii dhibaatada ugu wayni waxay tahay saxaafadda sidaynu ku naqaanno caalamka marka war la helo markiiba lama sii daayo ilaa la soo hubsado oo weliba warka laga sheegayo ilaa la waydiiyo, laakiin innagu waxaynu caadaysanay qofku intuu xog yar helo markiiba uu baahiyo. Markaa waxaan idinka codsanayaa saxaafad ahaan inaad hubisaan warka intaydaan qorin”.

Wasiir Xaglo-toosiye,  mar la waydiiyey inuu qorshihiisu ahaa markii uu Burco tagay inuu Buuhoodle uga sii gudbo oo uu ka baxo guud ahaan dawladda Somaliland,  waxa uu si cadho leh ugu jawaabay “Waan ka xumahay in la qoro waxaan jirin, ismaan casilin, haddii aan iscasilay annigaa sheegi lahaa, Kalmadda Goosashana si kale ayaan u arkaa, waxaanay aniga iigu muuqataa kalmad aan qurux badnayn adeegsigeedu.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· xaaji on March 09 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>