Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Afar & afartan qalfoof oo Maanta aas qaran loo sameeyay.

Afar iyo afartan qof oo qalfoofkoodii laga heley goobo si sharci daro ah loogu dilay xaafadda Badhka ee magaaladda Hargeysa, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey duleedka koonfureed ee magaaladda Hargeysa, halkaasi oo loogu duceeyey inuu ilaahay u naxariisto.

aaska1.jpg

aaska2.jpg

aaska3.jpg

aaska4.jpg

aaska5.jpg



Guddiga baadhista Xasuuqa (War-crimes investigation Commission), wasiiro ka tirsan xukuumadda, gudoomiyaha xisbiga muxaafadk ah ee KULMIYE iyo dadweyne kale ayaa maanta ka soo qaybgalay aaskan loo sameeyey 44 marxuum oo lagu aasay xabaalo u gaar ah oo loogu talogalay qalfoofadddii la helay, isla markaana isla maanta loogu tukadday, iyagoo loo eeegayo waxay shareecaddu ka qabto.

Ururkii caalamiga ahaa ee baadhaysay qaabka loo dilay 44 marxuum ee dib looga soo saaray goobo aan ku haboonayn in lagu aaso dadka ayaa xaqiijiyey in sifo sharci daro ah lagu laayey dadkan, isla markaana cadeeyey rasaastii lagu laayey iyo qaababka loo dilay.

“Waxaanu halkan iskugu nimid inaynu sidii islaamnimadu ina fartay u aasno 44 qof ee marxuum oo si sharci daro ah o iyagoo dambi lahayn u xasuuqday dawladdii marka dalka ka talinaysay ee keligii taliskii Siyaad Bare, sanadkii 1984 kii waxaa mahad leh ilaahay oo maanta inoo suuragaliyey in sidii diinteena suubani ina fartay aynu u aasno 44 kan marxuum oo laga soo saaray xabaalaha badhka (goobaha dadka sharci darada ah lagu laayo lagu aasi jiray)”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay guddidda baadhista xasuuqyadii dalka ka dhacay.


“Waxa kale iyaguna mahad leh khuburaddan ka socotay hay’adda EPAF ee xaqiijisay inuu xasuuq ka dhacay dalka 1984 kii iyaga oo hawshooda sii wadi doona si ay u xaqiijiyeen xasuuqyadii kale ee ka dhacay sanadihii ka dambeeyey 1984 kii ee ka dhacay dalkan Somaliland, EPAF waxa weeyi hay’ad aduunka oo dhan ka soo shaqaysay dalal badan oo xasuuq ka dhacay sida Colombia, Venezuela, Chile, Philippines, Nepal, Congo and Kenya”ayaa lagu daray war-murtiyeedkan.

Guddida baadhista xasuuqyadda Somaliland ka dhacay waxay intaas ku dareen “EPAF waa hay’adda caalami ah oo madax banaan, macaashdoon ahayn, meel marisa runta, hirgalisa xaqiiqda ay ka helaan baadhistooda iyagoon cidna wax qabadkooda garab u doonan, caawisa cadaalad doonka iyo demoqraadiyadda. waxaanu illaahay ka baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo 44-ka marxuum oo ay dishay gacan ka xaqdarani eheladoodii iyo Somalilandba samir iyo Iiman ka siiyo”.

Guddida ayaa sheegtay inay ujeeada ugu weyn ee hawshan ka leeyihiin tahay Afar arrimood oo kala ah:

1.Wixii Danbigan gaystay oo la Maxkamadeeyo.
2. Marka cadaalad la helo ayaa Dadku heshiiya.
3. inay Iska hortaagto kuwa mustaqbalka xukunka qabta inaanay ku kicin falalkan oo kale.
4. In ay wacyi galin ku saabsan xaquuqal insaanka u noqoto dadka.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Gudomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo dhamaantood sheegay inay haboontahay in si wanaagsan loo aaso dadkii sharci daradda lagu laayey, isla markaana dadkii dambiyadaasi geystay sharciga la hor keeno.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· xaaji on March 09 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>