Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Baloore iyo Somaliland oo Faransiiska ku falanqaynaya Heshiiska Dekedda Berbera.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo maal-gashi Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka hadlay halka uu marayo Xidhiidhkii Xukuumada Somaliland iyo Shirkada Boloore oo la saadaalinayo in lagu wareejiyo Dekeda Berbera. Wasiirku waxa uu sheegay in wakhtigan ay isku maqan yihiin Khubaro ay Somaliland dhinaceeda ka socda iyo shirkada Boloore kuwaasi oo kulan ku yeelanay dalka Faransiiska. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ugu horeyn ka hadlayey halka uu marayo Heshiiska Shirkada Boloore iyo Xukuumadu wuxu yidhi. “Todobaadkan waxa dalka yimid oo muddo ilaa afar cisho ah wadashaqeynaynay koox khubaro ah oo farsamo yaqaano ah oo iskugu jirta Sharciyaqaano iyo Injineero oo aqoon xeel dheer u leh arrimaha Dekedaha, kuwaasi oo ah dad madax-banaan oo dawladeenu qabsatay, markaa waxa na dhex maray kulan dheer oo ku Saabsan arrimaha ay Somaliland doonayso, runtii talooyin muhiim ah ayey nasiiyeen oo ku saabsan hindisihii shirkada Baloore ay noo soo gudbisay ku saabsan, markaa imika waxa isku maqan shirada Boloore iyo Qoladan inaga inamataleysa kuwaasi oo shirar ku leh dalka faransiiska waxayna sii wadayaan wadahalada, marka ay Somaliland ku qanacdo in horumarka aynu la doonayno dekeda Berbera iyo waxa ay waddo shirkadu is yeeshaan markaas uun bay dawlada somaliland go’aan ka qaadan kartaa in ay heshiis la gasho iyo in kale, laakiin shirkadan Baloor ma aha shirkad si gaar ah aanu dekeda ugu xidhayno Berbera, laakiin cid allaale iyo Cidii kale ee anaga halkan wax nagala qaban karta ee si madax-banaan arrimahaasi waanu ugala xaajoon karnaa, waxaanay danta dalku tahay in aanu helno cid wax nagu kordhisa oo dhista Dekeda, dhaqaale keenta, farsamo wanaagsan keenta macaash faro badan keenta, dekedana deked weyn oo gobolka geeska oo dhan u adeegta ka dhiga.”Ayuu yidhi. Waxa kale oo uu ka hadlay Safar uu ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta waxaanu yidhi. “Waxaan u baxayaa Safar aan ku tagayo dalka Imaaraadka carabta, waxaanan sii mari doonaa dalka Itoobiya, runtii safarka aan u baxayo waxa uu la xidhiidhaa arrimaha maal-gashiga iyo ganacsiga, sida laga wada war qabo dalka imaaradka carabtu waa dalka ugu horeeya ee Somaliland ay la leedahay ganacsi iyo maal-gashiba, inta aan halkaasi joogana wax aan ka wada hadli doona arrimahaasi.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on March 11 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>