Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Maantana Maxay Odhan?!

1.    HORDHAC:

Markaad aragto Madaxweynaha Jam.Somaliland oo ummaddiisa si kalsooni leh u dhex lugaynaya, isla markaana u kuur-galaya baahiyaha jira iyo muuqaalka nolol-maalmeedka dadweynaha, waxaa ka dhasha dareen togan oo farxad leh oo saamayn weyn ku leh kalsoonida ay shacbigu ku qabaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Sidoo kale, dadweynaha oo si joogto ah u arka muuqaalka Madaxweynaha ama hadalkiisaba u maqla, waa arrin kor u qaadi karta rajada iyo yidi-diilada ay shacbi- weynahu ku qabaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisba.

 

Taageerada iyo kalsoonida shacbiga ayaa tartan adag iyo loolanba loogu jiraa. Kasbasha kalsoonida shacbiguna waa arrin lagama maarmaan u ah himilada wax-qabadka ee Xukuumadda iyo horumarka uu dalku hiigsanayo. Habka ugu habboon ee loogu quus-goyn karo af-miishaarka, si-xun-wax-u-sheega iyo horumar-diidkaba waa Madaxweynaha oo ummaddiisa si joogto ah ula hadla shacbigiisana ka dhex-muuqda. Arrintan waxa daliil cad u ah Safarka Madaxweynaha Jam.Somaliland uu ku marayo dalka, Galbeed ilaa Bari. Warka ugu qiimaha sarreeya iyo hadalhaynta ugu badan ee ay maalmahan dambe noocyada kala duwan ee warbaahintu ummadda u soo gudbinayaan ayaa ah Safarka uu Madaxweynahu ku marayo Gobollada Dalka.

 

2.    Xukuumaddii Dadka, Dalka iyo Danta Guud.

Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weyne Ahmed Silaanyo waxay kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba. Sidoo kale waxa dib u soo noolaaday qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan. Saddex sano iyo badh ka bacdi, waxaynu aragnaa in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weynaha Jam. Somaliland Ahmed M.M.Silaanyo ay kasbatay xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba.

 

Wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ku tallaabsatay muddadaa 3-da sano iyo badhka ah, waa arrin si cad u muuqata oo aan la iska indhatiri karin, Shacbiga Jam.Somaliland ayaana markhaati ka ah. Haddii aynu wax yar tusaale ka soo qaadano dhinacyada ay Xukuumaddani horumarka ku tallaabsatay waxa ka mid ah: tayeynta qaybaha kala duwan ee xoogagga sugidda amniga qaranka taasoo ay maantaba muuqato in xukuumaddu ay ku guulaysatay in loo dhamaystiro derajadii iyo baahiyihii kale ee aasaa-siga ahaa, koboca dhakhliga iyo dhaqaalaha qaranka oo saddex-jibbaarmay, waxbarashada iyo caafimaadka oo ku tallaabsaday horumar laxaad leh, ganacsiga iyo maalgashiga dalka oo si weyn u kordhay, sahaminta iyo soo-saarka khayraadka dabiiciga ah ee dalka ceegaaga, dib u dhiska iyo tayeynta waddoonyinka, dib u dhiska iyo tayeynta guryaha hay’adaha dalka, tayaynta adeegyada guud ee bulshada, daryeelka danyarta, iwm).

 

Xagga Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka ay Jam.Somaliland la leedahay beesha Caalamka, Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aansatay inay la Gar-naqsato Beesha Caalamka si ay Garowshiiyo uga hesho. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.  

 

3.    Gabagabo:

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin, qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u arki karaa. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay la kulanto carqalado iyo xag-xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga. Kooxaha iyagu mar walba dedaal adag ugu jira in guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddu ku tallabsato  Bulshada loogu macneeyo guul-darro iyo dib-u-dhac ku habsaday danihii Qaranku lahaa, Bal Maantana Maxay Odhan?!

 

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ha ku dhiirrato inay si cad oo toolmoon u difaacato wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid. Guusha ay Xukuumaddu ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Waa shacbiga kuwa leh ee u aayi doona horumar iyo guul kasta oo Qaranka u soo korodha. Markay Xukuumaddu guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay.

 

Shacbiga oo Qira waxqabadka iyo horumarka ay Xukuumaddu ku tallaabsatay, waa Daliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu sarreeya ee uu Hoggaamiyaha iyo Xukuumaddiisu ka heli karaan Ummadda.

 

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

 

· ifraax on March 16 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>