Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku tagay Degmada Laasqoray

Madaxweynaha Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa safar aan horay loo shaacin barqadii maanta ku tagay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.


Degmada Laasqoray ayaa waxay ka mid tahay deegaannada ay isku khilafsan yihiin maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana dadka deegaanka ay sheegay inay lama filan ku noqotay booqashada uu ugu yimid madaxweyne Siilaanyo.

Socdalka uu Siilaanya ku tagay degmada Laasqoray waxaa ku waheliyay wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa oo u ka mid yahay wasiirka gaashaandhigga oo kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa xilligii uu gudaha magaalada u soo galay waxaa uu markiiba booqosho ku tagay goobo muhiim ah oo degmada ku yaalla, waxaana ka mid ah meelaha uu tagay dekadda iyo isbitaalka Laasqoray.

Boqollaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay degmada waxaana uu magaalada ka jeediyay khudbad, isagoo hadalka uu shacabka u jeedinayay uu kusoo qaaday in degmada Laasqoray laga hirgalin doonno mashaaric kala geddisan.

Sidoo kale, madaxweynaha Somailand Axmed Siilaanyo intii uu degmada ku sugnaa wuxuu dhagax-dhigay goobo waxbarasho, caafimaad iyo dekedda oo degmadaas laga dhisayo.

Warbaahinta gudaha waxaa la hadlay mas'uul sheegtay inuu yahay xog-hayaha degmada oo Somaliland ugu magacaaban, waxaana magaciisa uu ku sheegay Ciid Cismaan Aadan.

"Safarka uu madaxweynaha Somaliland ku yimid Laasqoray waa mid horay loo sii qorsheeyay mas'uuliyinta degmadana way ka warhayeen, si wanaagsan ayaana madaxweynaha loo soo dhaweeyay, waxaana uu booqday goobo muhiim ah dugsi waxbarasho iyo dekedda magaaladana wuu dhagax dhigay," ayuu yiri Ciid Cismaan Aadan.

Dhinaca kale, waxaa isna booqashada Siilaanyo ee Laasqoray mid dhuumaleysi ah ku sheegay guddoomiye ku-xigeenka degmada ee dhanka Puntland C/llaahi Axmed Maxamuud.

"Siilaanyo si dhuumaleysi ah ayuu saakay abaaro 8:30-saacadda Soomaaliya kusoo galay Laasqoray wasiirra la socday, waxaana magaalada ka dhacay mudahaaraaydo looga soo horjeeday," ayuu isna yiri Cabdulaahi Axmed.

Waa socdalkii ugu horreeyay oo madaxweyne Somaliland ah uu ku tago Laasqoray, waxaana lugu wadaa booqashada Siilaanyo inay ka hadlan madaxda Puntland.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

HargeysaOnline.Net

 

· abdi on March 16 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>