Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Shirkadda Telesom .

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray dhisme weyn oo qalabaysan oo shirkadda Telesom ka hirgalisay Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer. 


Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dhismaha hoolka barashadda culuunta kombuyuutarada waxaan ugu horayn halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey maamula shirkadda Telesom Burco, Maxamud Xaaji Ibraahim, waxaan hadaladiisii ka mid ahaa, “Muddane Madaxweyne shirkadda Telesom waxay qayb ka tahay dhismaha iyo horumarka dalka, anigoo ku hadlaaya magaca maamulka Telesom ee guud, waxaan hoolkan ICT-ga ee aanu u dhisnay jaamacada Burco aanu kugu sharfaynaa in aad xadhiga nooga jarto”.

Hoolkan shirkadda Telesom u dhistay Jaamacadda Burco ayaa waxay shirkadda Telesom ku qalabaysay tiknoolajiyaddii u dambaysay nidaamka ee ruutarka CISCO oo ah mid awood badan oo shirkadda Telesom lacag qaali ah ka soo bixisay uguna talo-gashay bulshadeeda danaynaysa barashadda culuumta koombuutarka.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii balaadhnaa ee ka koobnaa golaha wasiiradda, golaha baarlamaanka, golaha guurtida, labada Taliye Ciidan qaran ayaa gudaha u soo galay hoolka culuumta koombuutarka ee shiradda Telesom ka hirgalisay Jaamacadda Burco, waxaanu maamulaha xarunta Telesom ee Burco uu sharaxaad ka siiyey madaxweynaha iyo weftigiisa qalabka ay shirkadda Telesom dhigtay hoolka Jaamacadda.

Gudoomiyaha Jaamacadda Burco muddane Prof. Saleebaan Diri ayaa shirkadda Telesom ku tilmaamay in shirkadda Telesom ay kaalinta koowaad ka gashay shirkaddaha iyo hay’addaha taakuleeyaa jaamacadda Burco, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, “Shirkadda Telesom waxay kaalinta koowaad ka gashay shirkaddaha caawiya jaamacadda camuud, markii aanu qiimaynay shirkadihii gacanta u fidiyey jaaamacada Burco, shirkadda Telesom waxay ku soo baxday kaalinta koowaad…..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku maamuusay shahaado sharaf ay Jaamacadda Burco ugu talo gashay shirkadda Telesom, waxaana u gudoomay shirkadda maamulaha xarunta Telesom ee Burco muddane Maxamud Xaaji Ibraahim.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale Jaamacada Burco ka samaysay jardiinooyin lagu nasto kuwaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 10 jardiino oo midkiiba qaadi karo ilaa 6 qof. Ardayda Jaamacada Burco ayaa si weyn ugu nastay fadhiyadan waxaanay sawiro qurux badan ku galeen goobihii ay shirkadda Telesom ka samaysay jardiinooyinkan. Shirkaddan Telesom ayaa taageero hiil iyo hooba la garab taagan Jaamacadaha dalka iyo goobaha danta guud ee horumarka dalka lagama maarmaanka u ah sida dhismayaasha jaamacadaha, wadooyinka, cusbitaalada iyo adeegyada guud ee arimaha bulshadda.


 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· xaaji on March 20 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>