Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay Inaanu Ogayn Meel Universal Raaligalin Ku Bixisay.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in aanu arag meel ay raali-galin ku bixiyeen madaxda sare ee telefishanka Universal ee Somaliland hadii ay bixiyaana aanay dambi-dhaaf u noqonayn dambigii ay ka galeen reer Somaliland.

Mr Cukuse ayaa intaa ku daray in aflagaado ay isaga iyo madaxwayne Axmed Siilaanyo kula gal-gasheen Universal aanay u sahli doonin in xukuumadu xayiraadii ay ka saartay dalka in laga qaado, kaas oo tilmaamay in dacwada kiiskooda oo ay maxkamada u gudbiyeen kana war-sugayaan go’aanka kama-danbaysta ah ee ay ka soo saarto.

C/laahi Cukuse waxa uu sidaasi ku sheegay  isaga oo xaalad-caafimaad ugu sugan dalka Djibouti, ayaa sidoo kale ku dooday in danbiyada ay qaranka ka galeen sida uu sheegay Universal Tv inuu ka mid yahay uun wararkii ka dhanka ahaa isaga ee uu Telefishankaasi ka baahiyey shilkii uu ku dhaawacmay.

Ugu horayna isaga oo xaaladiisa caafimaad ka waramaya, waxa uu si kooban u yidhi “Alxamdulilaah caafimaadkaygu aad ayuu u wanaagsan yahay, waanan ka soo raynayaa maalinba maalinta ka danbaysa, Insha Allaah marka uu dhakhtarku isoo fasaxo ayaanan dalka ku soo noqon doonaa sida uu qorshuhu yahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya waxa uu kala socdo raali-galinta madaxda Universal ee Hargeysa ay bixiyeen ayaa waxa uu yidhi “Ma ogi meel ay raali-galin ku bixiyeen balse arrinta Uiversal waa arrin aanu dariiqii sharciyada marinay oo dacwadooda waxa aanu u gubinay Xeer Ilaalinta, wixii sharcigu gooyo ayuun baanay noqonaysaa oo taasina wakhtigeedii lama gaadhin”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse isaga ka hadlaya wararka ka dhanka ah qaranka ee ay mudooyinkii u danbeeyey baahinaysay Universal, waxa uu yidhi  “Ma jiro wax aan anigu si gaar ah uga tirsanayo Universal TV, dambiga ay gashayna maaha mid ay aniga si gaar ah iiga galeen ee waa dambi ay qaranka ka galeen, Arrintaasi maxkamada ayaanu u gudbinay oo maxkamadiina arrinteedii may dhamaysanin”.

Mr Cukuse isaga oo ka hadlaya sida gaarka ah ee ay u bartilmaameedsadeen maalintii uu shilka galay, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Sida gaarka ah ee ay ii aflagaadeeyeen waxa ay ka mid noqonaysaa uun fadeexada iyo aflagaadada ay madaxda qaranka u gaysanayaan, oo sida aynu ognahay madaxwaynaheenii qaranka iyo calankii qaranka ayey labadaba maageen, markaa maadaama oo labadii astaamood ee qaranku lahaa ay aflagaadaysay Universal TV, aniga cayday in caayeen waxyar ayey ka noqonaysaa dambiga ay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka galeen”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu si cadho leh u yidhi “Telefishankaasi Muqdisho ayaa laga leeyahay oo aad ayaanu uga xunahay inaanay xukuumadda Muqdisho-na talaabo ka qaadin ilaa xiligaas sababta oo ah anagu Somaliland ahaan aad ayaanu u ixtiraamaynaa qodobadii wada-hadaladii u socday labada dhinac iyo in warbaahinta Hargeysa ay aflagaado cad u dirto madaxda Xamar.

Wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse mar aanu waydiinay waxa uu kala socdo in agaasimaha Universal ee Somaliland Maxamed Caabi inuu raaligalin bixiyey, isla markaana uu sheegay in madaxda ka tirsan wasaaradda warfaafintu ay arintaasi ka wadahadleen ayuu Wasiir Cukuse sheegay in aanu ka warhayn meel Masuuliyiinta Universal ay raaligalin ku bixiyeen hadii ay bixiyaana aanay dambi-dhaaf u noqonayn dambigii ay ka galeen Somaliland. Waxaanu ku dooday Wasiir Cukuse ku dooday inaanu waxba ka ogayn cida ka danbaysay in warbaahinta dawladu baahiso raaligalintaasi la sheegay.

Sidoo kale soo afjarida khilaafka u dhaxeeya Universal Tv iyo xukuumadda ayaa maalmihii u danbeeyey sida ay Hargeysa Online  u sheegeen ilo-wareedo xogogaal ahi ay dabada ka riixayeen wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdi Xamiid iyo maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas, kuwaas oo iyagu sida ay xogahaasi tilmaameen arrinta Universal kaga aragti duwan wasiirkooda C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isagu ku jira cusbitaal ku yaala magaaladda Djibouti.


 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on March 30 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>