Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qofka hubka qaatey ee sharciga ka hor yimid, ee ciidanka amaanka ka hor yimid cid u doodi kartaana majirto.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancade ayaa, digniin usoo jeediyay in cidii Ciidamada Amaanka kala hortimaada hub ay noqonayaan dameer bakhtiyay islamarkaana aaney Xukuumad ahaan aqbali doonin cida u dooda sidoo kalena, aan loo xidhi doonin Askariga toogta, oo aanu laheyn wax magdhow ah habayaraatee.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo hadal tafdheer ka jeediyay, maanta Shir uu Madax-dhaqameedka Gobolada Salel, Awdal iyo Maroodi-jeex uga furey Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa sidoo kale faafahin dheer ka bixiyay, in aan Shacbigu waxba kasoo qaadin marka ciidamada amaanka la dhibaateeyo, kadibna marka ay iyagu qofka daalinka ah toogtaan lagu sheego qabiil balse aan lagu tilmaamin Ciidamada ay katirsan yihiin iyo Waajibaadka ay gudaneen.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo arimahaa faafahin ka bixinaya waxa uu ku bilaabay hadalkiisa sidan.
"Askarigaasi wax xaq ah iyo mag dhow ah iyo mag ah oo uu Dowladaa ku leeyahey Shacabkana ku leeyahey majirto, waa arin cajiib ah waxaan is idhi waa malaaigtaa illaahay, oo naftood hurayaal ah oo haduu u dhinto danta dadka, wax alla wax xuquuq ah oo leeyahey majirto waala aastaa uun, taasi waa midoo Askarigii sidaas ayuu ku baxey ninkiina Gurigii sidaas ayuu ku haystaa,madluunkii uu ka qaadeyna wuu agtaagan yahey askarigiina la dil,muxuu sameynayaa nabedgelyadiise sidey noqoneysaa, kii hore tag kii labaad ee lasocdey ayaa is odhanaya sharcigiina dhimay madluunkiina wuu ku agtaagan yahey, ee wixii sharcigu ku farey yeel wuu dilay dambiilihii wax dilay, waxa saacad kabacdi soo baxeysa hada Askarigii cidi waxba isma weydiin waar ninka ninka dilay qolomuu ahaa wax u adeegaya mooyee, markiiba waxa la odhanayaa Reer Qansax waar nin Reer Qanasx ah ayaa waxa uu dilay nin Reer Qudhac ah ma aha Nin Boolis ah ayaa Diley nin daalin ah anigu waxaan inaa Sheego arintaasi waxey kasoo baxdaa Madax dhaqameedkii aan amaanayay laakiin, iyagu may sameynine waa dhaqan xun oo Bulshadeenu dhigatey oo dadkeenu ku riixayo madaxdhaqameedka, oo ay qabiil ku daba taagan yahey, nacas yahow raadi xaqii daalinka, waxeynu maanta uwada fadhinaa hadeynu shacabkii nahey, iyo hadeynu madaxdii nahey, iyo hadeynu dowladii naheyba, in aanay madaxdhaqameedku aqbalin, hada wixii ka dambeeya in aanu Reerku ku kalifin in yidhaahdaan xaqii daalinka raadi waan idinka reebaynaa madaxdhaqameedow, cida idinku riixdana anagaa gacan bir ah wax kaga qabaneyna idinkana waxaan idinka codsaneynaa, xaqa aad raadineysaan inuu noqdo xaqa Madluunka ninka dulman, arintaasu waxey ku fadhidaa dhaqankeena suuban fulinteedana waxa leh dowlada iyo madaxdhaqameedka, iskama lihi hadalka aan leeyahey wuxu ku fadhiyaa sharciga aynu dhiganay,ee aynu nabada ku haysano ee aynu wada ogolaanay ee qarankeenu leeyahey ayuu ku fadhiyaa hadlkaa aan leeyahey"Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa "Wuxu leeyahey qodobka 44aad cutubkiisa tobnaad ninka Ciidanka Amaanka ah ee loo diro inuu fuliyo arin ku qotonta sharci, oo kasoo baxdey ama Garsoor ama Howlaha ay Madax-dhaqameedyadu u igman yihiin cida kala hor timaada hub wax dili kara, wax alla wixii qofkaa soo gaadha naf iyo maal dhibaato soo gaadha iyo wixii Bulshada kale ee u dhow soo gaadha waxa ka masuul ah qofkaa hubka qaatey ee sharciga ka hor yimid, ee ciidanka amaanka ka hor yimid cid u doodi kartaana majirto, waa dameer bakhtiyay wax alla wax magdhow ah oo uu leeyahey majirto, Bulshada Reer Somaliland waxaan usoo jeedinayaa madaxdhaqameedka iyo madaxdooda kaelba sharcigaa ay ku dirqiyayaan, in ay sharcigaa garab maraan oo ay ka boodaan oo ay yidhaahdaan nin Reer Hebel ah ayaa nin Reer hebel ah diley, oo ay yidhaahdaan la aasi maayo, wey dhacdey waanay dhacdaa laakiin imika ka bacdi dhici mayso, wey dhacdey Askari sharci wax ku diley in markii uu diley layidhi hala qabto oo hala xidho, oo isagii jeelka la dhigo, taasi waxey keeni kartaa in ninka Askariga ahi, in uu hore u dhaqaaqi waayo markuu arko nin qori sita oo uu hoosta galiyo qorigiisa, waxaan doonayaa arinta noocaas ah in aynu ka tashano"Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.
Waxaanu gunaanadkii hadalkiisa kusoo khatimay in Xafiiskiisa ay uyaalaan kun iyo boqolaal dacwadood oo u baahan fulin taas, oo ay dadkii lahaana sida kabcada ku wareegaan sida uu hadalkiisa u dhigay, ee ay madaxdhaqameedku ka digtoonaadan in ay daalinka usoo raacaan.

Kulankan ayaa lagu wadaa in isla maalinta Bri Jimcaha ah lagu Soo gabagabayn doono Magaalada Boorame iyadoo, uu caweysinkii Caawa Wasiirka Arimaha Guduhu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Huteelka Rays ee uu degan yahey Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Awdal.

 

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on April 18 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired