Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Musharaxa Madaxwayne Xigeenka Xisbiga Ucid oo xukumada Siilaanyo eedo culus dusha ka saaray.

xukuumadda talada haysaa uma muuqato in ay daacad ka tahay wadajirka shacabka iyo qaranimada s/land.

habdhaqanka iyo talada dalka lagu maamulaana waa mid la mida tii kacaankii milatariga, waxaa sii kordhaya in la iska horkeenayo shacabkii iyo ciidankii ammaanka, rasaastuna ay noqoto mid ka soo horreysa, waxa sii badanaya cabudhiska saxaafadda oo marba mid la beegsanayo, haddana ay marayso in shirkadihii isgaadhsiinta amar lagu siiyo in aanay siinin isticmaalka internetka si ay warbaahintu meesha uga baxdo.

waa ayaan darro in ciidanka qaranka lagu karaamo tiro safar iyo dhaqdhaqaaq aan lahayn wax macno ah.

ciidan wuxu xerediisa uga baxaa waa tababar, ama gurmad bani-aadanimo oo ay ku filaanwaayaan hay’adihii masuulka ka ahaa, wixii dhaafaa waa marka ay timaad xaalad colaadeed.

intaa aan soo sheegnay midkoodna ma jirin, markaa dhacdadii taleex ee ciidanku waxay u muuqataa mid lagu sii fogaynayo shacabka deegaanka bari guud ahaan, waxa la mid ah taa, arrimaha ka dhacaya kastamka lowyacadde iyo badeecadda ka soo degta saylac oo cod dheer iyo cod gaaban ba loogu sheegay xukuumadda in ay xal ka gaadho.

dhacdooyinkaasi waxay cadow ku yihiin wadajirka shacabka iyo sumcadda qaranimada S/land, iyo guud ahaan maamul wanaagga.

xukuumadda talada haysaa uma haysato in ay hoggaaminayso dal dimuqraadiya oo doorashooyin lagula kala wareego talada dalka, waxayna isu qaateen in ay hoggaaminayaan dawladdii kacaanka ahayd oo kale, tarjumadda ay bixinayaanna waxay u egtahay (mucaaradku = kacaan diid) waxaa kuu caddaynaya sida ay isugu koobayso arrimaha u baahan in si wada jir ah oo qaranimo ah ay isaga kaashadaan axsaabta qaranka oo dhan muxaafad iyo mucaaradba, waxaa tusaale kuugu filan arrintii wada hadalka somaaliya oo noqotay mid madhalays ah.

sidoo kale xuska maalinta qaranimada S/land waa arrin qaran, xukuumadda talada haysaana waxay u ekesiisay in ay tahay maalintii kacaankii 21ka october taas waxaad ka dheehan kartaa sida ay isugu koobayso talada iyo guddiyada diyaarinaya xuska 18 ka May dalka gudihiisa iyo wufuudda ay ukala dirayso daafaha caalamka. waxa hubaal ah qaabkaa loo marayo xuska maalinta qaranimadu inu yahay qaab foolxun oo ka horimanaya wadajirka iyo qaranimada, waa wax horseedi karta kala qaybsanaan iyo xaflado kooxaysi ah.

wasiir warancadde wuxu hadda ku guda jiraa safar aan ujeeddadiisu caddayn laakiin halkudheggiisu yahay adkaynta nabadgelyada iyo caddaaladda oo uu tusaalayaal ugu soo qaadanayo in lagu taageero ciidanku marka ay xabbada ridaan oo aan dambi loo raacin, taasoo uu ku raadinayo in hoggaanka dhaqanku taageero ku siiyo. jawaabihii ugu horreeyey ee maalintii khamiistiina odayaashu waxay cod-dheer ugu sheegeen dhowrista ammaanku in ay xukuumadda ku xidhan tahay, waxaana loo caddeeyey caddaaladda iyo nabadu in ay isu yihiin laba aan kala maarmin.

xukuumadda waxan ugu soo koobayaa dalka cagta haloo dhigo, xasuusta in aad hoggaaminaysaan dal dimuqraadiya ee aydaan ahayn xukuumaddii milatariga ahayd oo la idinka rabo inaad dhowrtaan wadajirka shacabka, dastuurka dalka iyo qaranimada.

wabilaahi tawfiiq.

C/rashid Xasan Mataan, Musharaxa M/W/Xigeenka Xisbiga Ucid – 19april2014

· xaaji on April 20 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>