Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda Siilaanyo Oo Sanad Wax Ka Yar Ku Soo Tuf-tay Saaxiibkii Ugu Mudnaa!

Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u muuqata mid sanad wax ka yar ku soo tuftay saaxiibkii ugu mudnaa ee wakhtigii ay mucaaridka ahayd, isla markaana ahaa cid kaliya ee ay ka heli jirtay garabka ugu wayn xiligaas, taas oo wakhtiyadda lagu tacadiyo cida qudha ee ay u soo cabataa ay ahayd saxaafada madaxa banaan ee Somaliland, kuwaas oo run ahaantii si wayn uga horyimid xukuumadii wakhtigaas dalka ka talinaysay ee uu hogaaminayey madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana taageero cad la barbar istaagay xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye oo hada ah xisbiga hogaaminaya Somaliland.
Waxay ahayd wakhti hada laga joogo wax sanad ka yar markii ay xukuumadii madaxwayne Rayaale albaab walba ka xidhay hogaaminayaashii xisbiyadda mucaaridka ah ee Kulmiye oo ahaa wakhtigaa xisbigii markaa macaaridka ugu tunka waynaa, waxa dhacay tacadiyo badan oo lagu Kulmiye, kaas oo laga horjoogsaday inay shacbi-waynaha Somaliland u cawdaan oo ay kulan ay kula hadlaan qabsadaan, waxa dhacay in u qaadan waa ku dhaco hogaaminayaashii xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye oo run ahaantii u badnaa shakhsiyaad aad looga qadariyo Somaliland, maadaama oo ay u badnaayeen hogaaminayaashii ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, waxa ku dhacay u qaadan oo waxay ku adkaysteen inay taageerayaashooda la socodsiiyaan halka ay wax marayaan, dhacdooyinkii wakhiyadii xisbiga Kulmiye ugu adkaa waxa ka mid ah tii ka dhacday agagaarka garoonka iskuulka 31-ka May ee xaafadda Jig-jiga yar oo u dhaw xafiiska guud ee xisbiga Kulmiye, waxa laga xidhay dhamaan wadooyinka oo dhan waxa loo diiday inay si salmiya u soo maraan wadada dheer oo ay sameeyaan mudaharaad salmiya oo ay ku muujiyaan tacadiyada xukuumadii Rayaale kula kacday xisbiga Kulmiye, waxa goobtaas dadkii ku sugnaa hogaaminayey oo hor socday madaxwaynaha hada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku adkaystay inuu wadada loo diiday ay maraan, waxa go’aankaas ragii ka hor yimid ka mid ahaa Guddoomiyaha hada xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo hadaladii goobtaas uu ka yidhi ay ka mid ahaayeen “Ma waxa aynu halignaa ummadda iyo dhalinyarada oo ma waxaad rabtaan in xabad lala dhaco, ka joog dhaha odayda caruurta ha hor cararine” taas waxa ka biyo diiday guddoomiyihii wakhtigaas xisbiga hogaaminayey waa madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo si cad uga horyimid, isla markaana ku adkaystay go’aankiisii. Markii ay guddoomiye Axmed Siilaanyo iyo taageerayaashiisii ka soo baxeen xafiiska xisbiga Kulmiye-ba waxay la kulmeen rasaas ooda lagaga qaaday, taas oo amakaag iyo afkala-qaad ku noqotay shacbiga reer Somaliland, talaabooyinkaasi waxay meesha ka sii saareen kalsoonidii xukuumaddii wakhtigaas ee ay shacbigu u hayeen, waxaanay darajo sare kor ugu qaaday taageerada xisbiga Kulmiye wakhtigaas shacbiga ka haystay.
Arimuhu iyaga oo sidaa u socda ayaa waxa ay xisbiga Kulmiye ka gaadhay in loo diido inay wax kulan ah ay ku yeeshaan dhamaan Huteeladda waawayn, waxaana markii danbe u baxay muwaadin reer Somaliland oo si cad uga hor-yimid amarkii xukuumadu ku xayirtay Huteladda. Hutel Kaah waa meherada kaliya ee ay u suurta gashay in xisbiga Kulmiye ku qabsado kulan, isla markaana dhibaato iyo tacadi ay xukuumadii wakhtigaasi kula kacday muwaadinka iska leh hutelkaas, isla markaana ku sigtay in gabi-ahaanba laga xidho Hutelkiisa uu ku ganacsanayey, muwaadinkaasi waa mid xaq u leh in lagu tixgaliyo cadaaladda uu wakhtigaas la yimid, hadii aynu sheegnay in muwaadinkaasi xaq u leeyahay in lagu tixgaliyo talaabadaas uu qaaday wakhtigaas miyaanay iyana mihiim ahayn in xukuumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo ay wakhtigan ku tixgaliso saxaafada madaxa-banaan garabkii iyo taageeradii cadaanka ahayd ee ay u fidisay 8-dii sanadood ee ay mucaaridka ahaayeen?.
Saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland wakhtigan ka hano qaaday ayaa noqotay mid awood wayn ku yeelata dalka, isla markaana cidii ay ka soo horjeedsato gabal-baasi u dumo, sababta oo ah iyada ayaa wixii xun iyo wixii san-ba muwaadiniinta dalka iyo dibadda-ba u gudbisa, isla markaana rayu-caamka dunida-na tusta xaqiiqda dhabta ah ee halkan ka jirta.
Dhacdadii 24-kii saacadood ee ugu danbeeyey ugu hadal haynta badnayd Somaliland ayaa waxay noqonaysaa tii ku dhacday fagaaraha beerta Xoriyadda markii la xusayey sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay wixii la isku odhan jiray Somaliweyn, dhacdadan ka dhacday beerta Xoriyadda ayaa waxay waji cusub u furaysaa saaxiibo mudo dheer isku xidhnaa (Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo Vs Saxaafadda Madaxa-banaan), kuwaas oo hada aad moodo inay u kala dhamaatay.
Waxay ahayd wakhtigii uu madaxwayne Axmed Siilaanyo salaanta ka soo qaatay ciidamada qalabka sida, isla markaana u soo jarmaaday dhinaca beerta Xoriyadda oo ay ku sugayeen Boqolaal kun oo qof oo reer Hargeysa ahi, isla markii uu soo galay-ba waxa la horjoogsaday cidkasta oo isku dayday inay soo dhagaysato ama ay wax ka soo duubto khud-bada madaxwaynaha. Ismaaciil Farjar oo ah wariye dhalinyar ah oo Hargeysa u jooga Idaacada afka Somaliga ku hadasha ee VOA-da ayaa ka dib markii uu isku dayey inuu soo galo beerta Xoriyadda si uu u soo guto waajibaadkiisa shaqo ayaa waxa uu la kulmay tacadi iskugu jira hadidaad iyo gacan-ba, waxa isaguna dhibaatooyin la soo gaadhsiiyey wariyaha Hargeysa uga warama BBC-da Axmed Siciid Cige iyo wariye-yaal caalami ah oo ka socda warbaahinta reer Galbeedka iyo carabta-ba, kuwaas oo run ahaantii ay u suurta gali wayday in ay gutaan waajibaadkooda shaqo, talaabaddaasi tolow waji noocee ah ayey yeelanaysaa?
Si kasta-ba ha haatee waxa ay xukuumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo ku guul-daraysanaysaa sida muuqata kalsoonida saxaafada madaxabanaan ee Somaliland iyo ta caalamkaba, waxanay noqonaysaa mid aanay waxbadani u qabsoomayn hadii ay sidan ku sii socoto.
Isku soo wada duuboo xukuumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa u muuqata dawlad aan wada socon, isla markaana ay ka dhexmuuqdaan masuuliyiin wada kala dan ah, taas oo soo ifbaxday markii la sheegay in xubno sar-sare oo madaxtooyada ka tirsani ay hor istaageen waraaqihii dhaq-dhaqaaqa ee baabuurta saxaafada madaxa-banaani ku hawl galaysay maalintii xuska 18-ka May, kuwaas oo si cad looga horjoogsaday hay’addo warbaahineed oo ka mid ah saxaafada madaxa-banaan ee 8-da sanadood xidhiidhka wanaagsi ka dhaxeeyey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.


Faallo: Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)

Hargaysa/somaliland.

· xaaji on May 22 2011 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired