Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland oo ka hadashay Wafti Keniyaan ah oo Doonayey in ay Somaliland Safaarad ka Furtaan.

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasarada Arrimaha Dibada ee Somaliland ayaa Fahfaahin ka bixisay Wafti ka socday Dawlada Keniya oo Muddo Saddex Cisho ah ku sugnaa Caasimada Somaliland ee Hargeysa kuwaasi oo kulamo la yeeshay madaxda dalka.


Sidaasi Waxa Sheegay Af-hayeenka Wasaraada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md. Axmed Yuusuf Cilmi oo Maanta warbaahinta u akhriyey Warsaxafadeed ay waftigaasi ka soo saaren waxaanu yidhi.

“Guddidii farsamo ee Kenya ee uu wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Maxamuud Jaamac ee Arbacdii 23-kii April dalka yimi, ayaa shalay 26-kii April dalka ka amba baxay.

Guddidu waxay ka koobnaayeen afar ruux, iyadoo ujeedada socdaalkooduna ahayd inay qiimayn ku sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah aasaaska safaarada Kenya ee Somaliland.

Guddidii farsamo ee Kenya waxay booqasho ku tegeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo uu ku soo dhoweeyay wasiir-ku-xigeenka Md. Mawliid Maxamuud. Muddadii ay Somaliland joogeena wasaaraddu waxay siisay taageero iyo tilmaamid.

Guddidu waxay urursadeen dhammaan macluumaadkii ay u baahnaayeen, iyagoo ku qancay dhammaan waxyaabihii ay arkeen.

Booqashada Guddidu waxay daba socotay heshiis hore u dhex-maray Somaliland iyo Kenya, kaasoo labada dawladood hore ugu heshiiyeen bilaabitaan xidhiidh Diblomaasiyadeed.

Hordhac waxay u noqon doontaa in Safaaradda Somaliland ee Kenya noqoto qayb ka mid ah xidhiidh iskaashi ee Kenya.

Weftigu waxa uu la kulmay shaqaalaha Kenya ee Somaliland ka shaqeeya. Abuuritaanka xidhiidhkan waxa uu balaadhin doona iskaashiga dhaqaaale iyo midka farsamo ee laba dawladood.

Kenya waxay ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, sidoo kalena waa cudud dhaqaale, sidaa darteed waxa muhiim ah inaynu la yeelano xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican”.Ayuu yidhi Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Md. Axmed Yuusuf Cilmi.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· abdi on April 28 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>