Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Hambalyo M/weyne, Xukuumaddaadu Waxay ka Dhabaysay Wixii ay Ummadda U Ballan-qaaday.

Madaxweynaha Jam. Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Xukuumaddiisaba waxaan si kal iyo lab ah ugu soo hambalyeynayaa dhamaystirka Waddada isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh ee Gobolka Gabiley. Allaylehe kar baa dhacay, Waddadaa Wajaale dhibta iyo rafaadka ay ku haysay ummadda qofkii maray ayuunbaa garan kara. Sidaa darteed Mudane Madaxweyne adiga iyo Xukuumaddaadaba dadka iyo birtuba wey idiin ducaynayaan.


 

In kasta oo xilka iyo waajibaadka bulshadaba loo wada simanyahay, haddana gudashada dhabta ah ee xilka iyo garashada baylahaha bulshada cid waliba uma damqato. Shaqsiyaad faro-ku-tiris ah oo uu dareen-waddaninnimo diray ayaa iyagu isku hawla horumarinta danaha Bulshadooda. Mudane, M/weyne, markii ay Xukuumadda talada dalka la wareegtay, waxaad dareentay baahida weyn ee loo qabo iyo faa’iidada ay leedahay dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka Dalkeennu. Si arrintaa looga midha-dhaliyana waxay Xukuumaddaadu la timid hannaan talo-wadaag iyo iskaashi dhex mara shacab-weynaha Jam. Somaliland iyo Xukuumadda. Arrintani waxay dhiirri-gelisay in si wada-jir ah loo waajaho hawlaha iyo danaha bulshada oo dhan faa’iidada u leh.

 

Nidaamkan wax wadaqabsi ee ay Xukuumaddaadu horseedka ka tahay ayaa ah mid lagu dhammaystiri karo hawlo badan oo qabyo noqon lahaa ama keli ku noqon lahaa Xukuumadda oo ayna haynteedu buurnayn. Dhinaca kale, Madaxweyne Xukuumaddaadu waxay soo noolaysay Hanka, Rajada, filashada iyo isku-kalsoonida ay Shacabku ku qabaan awoodooda, kartidooda iyo in haddii ay igagu isku-tashadaan RABBINA kaashadaan inay wax kastaba ka midho dhalin karaan.

 

Waddooyinka Laamiga ahi, ma aha oo keliya inay qayb muhiim ah ka qaataan koboca iyo horumarka dhaqaalaha uu Dal leeyahay, balse waxa kale oo ay fududeeyaan isu-socodka, is-dhex-galka, is-fahanka, wax-is-dhaafsiga iyo is-kaashiga bulshada Dalkaasi ku dhaqan iyo weliba bulshooyinka kale ee ku nool Waddamada deriska ah. Waddooyinku waxay lagama maarmaan u yihiin dhinacyo badan oo saamayn ku leh xagga horumarka uu aadamahu hiigsanayo. Waddooyinku waxay kor u qaadaan oo ay wanaajiyaan tayada nolosha bulshada, waxay kordhiyaan awoodda wax-soo-saarka iyo ganacsiga u dhexeeya bulshada, waxa kordha wax-soo-saarka warshadaha, beeraha, qalabka dhismaha iyo adeegyada kale ee la xidhiidha. Waddooyinku waxa kale oo ay kobciyaan fursadaha shaqo ee uu muwaadinku ka heli karo dalkiisa. Waddooyinku waxay muwaadinka u horseedaan xorriyad iyo madax-bannaani uu u safri karo kuna noolaan karo meel kasta oo uu doono. Waddo xumaantu waxay caqabad weyn ku tahay Ganacsiga xorta ah, wax-soo-saarka iyo isu-socodka bulshada. Laakiin marka ay jiraan Waddooyin fiicani waxa fududaada isu-socodka iyo wax-is-dhaafsiga bulshada, waxana si toos ah ula kordha dakhliga Dalka u soo xerooda.

 

Gabagabo:

Haya’dda Horumarinta Waddooyinka ayaa iyadu hadda ka hor ahayd mid ay saamaynteeda bulsho iyo tayadeeda hawleedba aad u hooseeyaan.In Haya’dda Horumarinta Waddooyinka Qaranka la hoos geeyo Wasaaradda Madaxtooyada waxay ahayd Tallaabo Quman oo lagu Tanaaday , taasoo ay durba bulshadu dareentay faa’iidada ay lahayd go’aan-qaadashadaasi. Horumarka ay ku Tallaabsatay Haya’dda Horumarinta Waddooyinka Qaranku waxa saldhig u ahaa go’aan qaadasho, ku dhac iyo ku dhiirasho dhab ah oo ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo horseed ka tahay.

Wasiir Xirsi Cali X. Xasan iyo Haya’dda Horumarinta Waddooyinka Qaranka waxaan ku hambalyeynayaa kuna ammaanayaa Horumarka la taaban karo ee ay muddada kooban ku tallaabsadeen, waxaanan ALLAH idiinka baryayaa inuu idinku guuleeyo dedaalka aad ugu jirtaan Horumarinta Waddooyinka Dalkeenna.

 

Jamhuuriyadda Somaliland Ha Noolaato

 

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LE,

 

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|

 

· ifraax on May 05 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired