Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirka Madaxtooyada oo ku dhawaaqay in Maanta si rasmi ah u Bilaamatay Wadadii Ceerigaabo.

Waftigii Wasiirka Madaxtooyada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali sicid Raygal, Wasiir ku-xigenka Ganacsiga Bashir Cabdi Xariir, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Xasan Cali Cismaan, Xildhiban Axmed Raygal oo ka mid ah Golaha Wakiilada, Badhasabada Gobolada Sanaag iyo Togdheer, Xubno ka mid ah Qurbajooga Togdheer iyo Sanaag, iyo Engineerada Dhisaya Wadda Ceerigaabo

 



Wasiirka Madaxtooyada JSL oo Hadal kooban ka jediyey Bilowgii Waddada Ceerigaabo ayaa tilmaamay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’antahay sidii Qorshuhu ahaa in muddada kooban ee u hadhay 100km ay dhammaystiri doonaan, kharashkeedii iyo agabkeediina ay hayaan mantana ay sidaas ku bilaabantay, wuxu wasiirku baaq u diray guud ahaan ba Bulshaweynta reer Somaliland oo uu tilmamay inaanay la’aantood waxba qabsoomayn, isagoo ugu baaqay inay muruqooda iyo maalkooda ba isugu daraan Hirgelinta wadda Ceerigaabo, oo noqonaysa bu yidhi waddadii ugu dheerayd uguna Baaxadda weynayd ee Dawlad yar oo afrikan oo an aqoonsi caalamka ka haysani dhisato, sido kale wuxu wasiirku sheegay in Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’antahay fulinta Ballanqaadyadii Wakhtigii Ololaha uu dadka u jeedin jirey,isla markaasna ku hammiyo inu Dadka iyo Dalka horumariyo, wuxu xusay in mucaaradkii u arkayey wax aan suuro gal ahayn dhismaha waddani ay maantaba arkayaan sida hawshu u socoto iyo inay Bilaabantay Waddadii, isagoo tusaalena u soo qaatay halkudhig uu ka tegey hogaamiyihii South afrika Nelson mandella oo uu sheegay in wax dadku ay u arkaan inaanay suuro gal ahayn Hogaamiyaha Wanaagsani Suuro gelin karo.

03Xildhibaan Raygal oo ka mid ah Golaha Wakiilada JSL, Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Xasan Cali Cisman, Badhasabada Gobolada Togdheer iyo Sanaag Maxmed Muse Diriye iyo Ramaax, Marwo Sacda iyo Oday Axmed oo ka mid ah Qurbajoga reer Somaliland ee UK ayaa iyaguna Baaq u diray Qurbajooga reer Somaliland oo ay ka codsadeen inay Guntiga dhiisha isaga xidhaan oo ay guntadaan waddadaas, haddii hore ay hadal u ahayd wadda la dhisayaana, manta ay si toosa u bilaabantay waddadii, waxay Masuliyiintani iyagoo muujinaya Dareen shucuur badan iyo farxad badan xambaarsan ku celceliyeen in laga qaybqaato oo loo guntado inay dhammaystiranto waddadan oo u baahan bay yidhaahdeen Samir iyo Dedaal badan

Intaas Kadib Weftiga Wasiirku waxay soo kormeereen Goobaha kala Duwan ee hawsha Bilowga Waddadu ka socdo, waxayna dadweynaha iyo hawlwadeenada ka shaqaynaysa Dhismaha Waddada ku dhiirigeliyeen inay Dedaalkooda sii laban laban laaban.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on May 09 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>