Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Mayerka Caasimada Hargaysa Oo Xadhiga Ka Jaray Biyo Mareen Cusub Oo Ay Ka Hir Galisay Shirkada Dhismaha Ee Jano Gale.

Hargaysa(Hargeysa Online)Mayarka Caasimada somaliland ee hargaysa ayaa maanta xadhiga ka jaray biyo mareen laga hir galiyey dagmada Maxamuud Haybe oo dhistay shirkada Jano Gale Constarction Company.

 



Biyo Mareenkan Ayaa Waxa Hirgalisay Shirkada Dhistay Biriishyada Ee Jano Gale Constarction Company Taas Oo Ku Guulaystayna In Ay Dhisto Biriishkii Saddexaad Ee Laga Hirgalin Doon Degmada Maxamuud Hayb.
Munaasibada loo sameeyey xadhig ka jarida biyo mareenka ayaa waxa kasoo qayb galay moyarka caasimada somaliland ee hargaysa iyo Maayarka ku xigeenka, agaasimaha bilicda,Shirkada Janno Gale iyo marti sharafa kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka haa’yadda Man-Hal Maxamed Salaan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.
“Aniga oo ku hadlaya guddida xaafada ee biriijka saddexaad ee magaalada hargaysa,maayar kolay sidaad aragto waxa uu ilaahay inoo suuro galiyey sidaad aragto hawshii aynu mudada dheer ka wada soconay xaafada iyo dawlada hooseba iyo gaaro ahaan jumciyada Manhal oo iyana ka qayb qaatay waxa u uruurinta biriishkan,runtii ilaahay ayaa inoo suuro galiyey waxaana ay u mahad naqaynaa ilaahay adiguna maayar balan qaadkaagii waad ka dhabayse ee aad natidhi magac danbe naluugu bixin maayo meeshan tariikhdeeda dib ugu noqon mayno.

Dhinac kale waxa isn halkaasi ka hadlay moyarka caasimada somaliland ee hargaysa Eg Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco waxaana uu yidhi”

“Halkan waa meel ay biyuhu istaagi jireen oo ay umadu dhib ka mutaysan jirtay iyo shacabiga xaafada dagan,waxaana dhib laxaadleh kala sii kulmi jiray ardayda jaamacada Beder ee inagu dhaw ru ahaantii dadaalka jumciyada Manhal iyo shirkada wayn ee Jane gale Constarction company,Runtii biriishkani waa biriish 200Miter oo dusha ka dadan toosna u gaynaya biyaha halkan ka qaadaan dooxa,halkana biyo danbe dib uma fadhiisanayaan intiina ka qayb qaadatay waxaan idin leeyahay dhamaantiin waad mahad santiin inta ka qayb qaadatay.

moyarka caasimada somaliland ee hargaysa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Wax kasta oo ay umadi ka wada qayb qaadataana sidaasa ayey u qurux badataa shacabiga reer hargaysana waxaan leeyahay waxaanu nahay dadkii aad doorateen waxaanu nahay dadkii idiin shaqaynayey waxna waa waxaad noo dhiibtaan waxna waa waxaad ka qayb qaadataan intaas uunbaa waxa lagu dhisaa,waxaan shahaado sharfatan guddoonsiin doonaa shirkada caan baxday ee Jano gale inta badana dhistay biriishyada waawayn.

Gabo-Gabdii waxa soo gunaanaday munaasibada Engineerka dhisaya Biriishka eng Cabdi baasid Janogale waxaana uu yidhi”

“Halkan Aanu Dhisnay dadku dhib badan ayey ku qabeen waxa ay ahayd dariiq hal-bole ah oo isku xidha Saylada iyo suuqa dhexe,biyaha ayaa fadhiisan jiray runtii ka shirkad ahaan Jano Gale Constraction Company markii nala yidhi meeshaas soo eeg oo xalkeeda soo helay,waxaan bilawnay inaanu qaadno sarfay ogaanan sababtay ay u fadhiisteen biyuhu taas waxa ay noqotay beer godan oo ay biyuhu fadhiistaan ka dib meeshii guro ayaa laga dhisay korna meesha looma kicin ee waa lagaabiyey ka diban biyihii ayaa fadhiistay.

Engineerka dhisaya Biriishka eng Cabdi baasid Janogale oo hadalkiis sii wat ayaa waxa uu intaasi ku daray”

“waxaanu ogaanay inaanay meeshaasi biyaha fadhiisinka noqotay aanay ka maarmayn biriish,kadibna waanu isku hawl-nay waxaan samayn biriish 200 oo mitir ah oo aanu dusha ka daboolnay,taas waxa lagag raystay roobakii dayey hada,biyihina toos ayey uga baxeen meeshii aanu ugu talo galnay mar danbena mafadhiisan doonaan,waxaanu diyaar u nahay ka shirkada ahaan waxa kasta oo lagag qayb qaadanyo arimaha bulshada oo dhan.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on May 10 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>