Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shil gaari oo ka dhacay banaanka Laascaanood oo sababay khasaare nafeed.

Saddex qof ayaa ku geeriyooday, toddoba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay saaraayeen uu kula rogmaday Buundada Xargaga oo 08-km dhinaca waqooyi kaga aaddan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaan Toyoto NOAH ayaa ka yimid Hargeysa oo ah xarunta Somaliland ka hor intaanu fiidkii ku gadoomin duleedka magaalada Laascaanood, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la dhigay isbitaalka magaalada Laascaanood. Cali Maxamed Ismaaciil oo meel aan ka fogeyn marayay waqtigii shilku dhacayay ayaa sheegay inuu mar keliya arkay boor ka booday meel aan ka fogeyn boholaha xargagga, kaddib muddo yar dabadeed waxaan arkay gaari baaba'ay iyo dad sidoo kale iyana wax nool iyo wax dhintay aan la kala garaneyn, muddo ayayna nagu qaadatay inaan wax kala saaro. Dr. C/kariin Aadan Warsame ayaa Hargeysa Online u sheegay in dadka dhaawaca ah ay saddex ka mid ah oo uu ku jiro darawalkii gaariga ay xaaladdoodu liidato loona qaaday dhinaca magaalada Garoowe. Illaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee keenay shilkan, waxaana ciidanka nabad-gelyada waddooyinku ay sheegeen inay wadaan sidii ay ku ogaan lahaayeen sababta gaarigu ku rogmaday. Shalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca duleedka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool sannadihii la soo dhaafay. Dhinaca kale, waxaa isbitaalka magaalada Laascaanood lasoo gaarsiiyay nin la sheegay inuu ku dhacay ceel ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood, waxayna ciidanka boolisiku sheegeen inay baaritaan wadaan isla markaana ay raadinayaan sababta dhacdadani iyo inay aqoonsadaan ruuxan.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· ifraax on May 17 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>