Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Taliyaha Saldhiga Dhexe oo diiday Amaro Maxkamaddaha Rafcaanka/Gobolku ku sii daayeen Muwaadinad u xidhan.

Hargeysa(Hargeysa Online) Taliyaha Saldhiga Dhexe Maxamed Case ayaa diiday in uu saldhiga ka sii daayo Gabadh la yidhaahdo Ayaan Maxamuud C/laahi (Ina Juujuule) taasoo Maxkamadda Rafcaanka iyo Gobolkuba Amar cad oo ay ku amrayaan inuu sii daayo ay ka soo saareen, kadib markii danbi lagu waayey.

Sida ku cad Amarka qoraalka ah ee uu Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex C/rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan) ka soo saaray xadhiga Gabadhaas oo muddo sideed cisho ka badan si sharci darro ah ugu xidhan saldhiga Dhexe, kaasoo u dhigan sidan:-

Ujeeddo: Amar sii dayn Maxbuus Ayaan Maxamuud C/laahi.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa iyada oo tix raacaysa qoraalka Codsiga ah ee uu Maxakamadda Rafcaanka usoo gudbiyey Codsade Qareen Maxamuud Axmed C/laahi kuna Codsanayo in maxbuusadan loo sii daayo. Maxbuusadaas oo muddo dhaaf ku ah saldhiga Dhexe.

Sidoo kalena Tix raacaysa Qoraalka Xafiiska Xeer ilaalinta ee ay ku sheegeen in aanay wax gal ah aanay u hayn, isla markaana aan Maxbuusadan laga hor xalaalayn sharciga hortiisa.

Hadaba Taliye waxaan ku farayaa in aad sii dayso Maxbuusadan kor ku sheegan is waafaqsan 66XHC isla maanta oo ay bishu tahay 24/05/2014 marka uu ku soo gaadho Amarka sii dayntu.

Dhinaca kale, Taliyaha Saldhiga Dhexe waxa uu diiday Amar kale oo Garsooraha Maxkamadda Gobolka Marrood-jeex ka soo saaray xadhiga Gabadhan kaasoo qoraalkiisu u dhignaa:-

Taliye, anigoo Tixraacaya Amarka sii daynta Maxkamadda Rafcaanka Maxbuusad Ayaan Maxamuud C/laahi waxaan ku Amrayaa maanta oo 27/5/2014 in aad sii dayso.

Amaradan ka soo baxay Maxkamaddaha Gobolka iyo Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ee uu diiday Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeysa waxay muujinaysaa in dad kale oo masaakiin ah oo sidan oo kale sharcigu usii daayey Booliisku ugu haystaan Saldhigyada.

Ehelada Haweenaydan u xidhan Taliyaha Saldhiga Dhexe oo degan guri ku yaala ka soo horjeedka Xarunta C.I.D-da ayaa Hargeysa Online u sheegay in Taliyuhu si badheedh ah Amaradan ugu diiday isla markaana uu muddo sideed cisho ka badan ku haysto saldhiga, iyada oo aanay jirin illaa hada cid dacwaynaysa Gabadhan.

Dhinaca kale, wararka ka soo baxaya kiisaska saldhigyada ka taagan ayaa sheegaya in dad ka badan Lixdan qof ay Booliisku ku hayaan saldhigyada iyada oo la sheegay in dadkaas siyaabo kala duwan loogu qab qabtay magaaladda Hargeysa, kuwaas oo aan illaa hada Maxkamad la horgeynin.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on May 28 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired