Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Soo Af-Jaridda Qaadhaankii Dawga-Cad iyo Hay`adda EAD UK oo guddoonsiinaysa deeq lacaga ah.

Waxaa farxad weyn noo ah dhammaantayo in aan maanta oo bishau tahay 24-kii May 2014 soo af-jarayno qaadhaankii Dawga-cad ee Hay`adda EAD UK. Qaadhaankan oo ay bulshada reer Somaliland ee UK degeni ugu deeqeen dhismaha Dawga-cad, 


dhana $96823.03 waxaa loo gudbinaya Guddida dhismaha Jidka Dawga-Cad ee Somaliland.

Qaadhaankan waxaa si hagar la'aan ah uga qayb qaatay xubnaha ururka EAD UK rag iyo dumar.

 

Mahadnaq:

Guddida Hay`adda EAD UK wuxuu aad iyo aad ugu mahad naqaya Jaaliyadaha reer Somaliland ee degen Magaalooyinka London, Birmingham, Coventry, Manchester, Bolton, Britol, iyo Cardif. Jaaliyaddahaas oo si weyn uga qayb qaatay ururinta qaadhaankan, xilli lagu jiray jiilaal hawaduna aad u qaboobeyd, haddana dadku habeen iyo maalin way dhex soconaayeen, iyaga oo guri guri u marayey si qaadhaan macquul ah loo helo. Ururinta qaadhaankan looma kala hadhin rag, dumar iyo dhalin yaraba, waxaana tartankii qaadhaan ururinta kalinta kowaad ku guulaystay dumarka EAD, oo muujiyay dadaal iyo firfircooni dheeraad ah.

 

Xusuusin:

Waxaan is xusuusinaynaa in ay tahay shaqadani, mid qof walba wixii uu gashaday ama ku darsaday ajarkeedu waligeed u soconayo (Sadaqa Jaariya), sidaa darteed waa in aan isku dhiirinnaa ka qayb qaadashada arimaha khayriga ah ee noocan oo kale ah, ee dalkii iyo dadkiiba u baahan yihiin; Kagana qayb gashaan aqoontiina, maalkiini, muruqiina iyo maskaxdiinaba, idinkaa oo ilaahay dartii u samaynayna , waxaynu dhisaynaa waa dalkeennii.

 

Dhiiri galin:

In kaste oo qaadhaan ururintii Dawga-Cad ee dalka Ingiriiska aanu soo gaba gabaynay, haddana waxaanu dhiiri galinaynaa in laga sii wado qaadhaanka Dawga-Cad dalalka kale ee dunida gaar ahaan dalalka yurub, America iyo Carabaha. Guddiyada hay'adda EAD wuxuu diyaar u yahay inuu idinla wadaago waayo aragnimada uu arinkan u leeyahay. Ilaahay haka Jazaa'isiiyo qof waloo ka qayb qaatay Qaadhaanka Dawga-Cad 2014, waad ku mahadsan tihiin.

 

Wa billaahi tawfiiq

Alla Mahad leh

Gudida : EAD UK

www.facebook.com/pages/EAD/197919580366407?fref=ts

www.eastafricadevelopment.org

· abdi on May 28 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>