Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Aniga iyo shacabku ma nihin kuwii shaanida lagu baqo-gelin lahaa.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka ka jira xisbigii uu ka soo baxay iyo laba qarax oo uu sheegay in amniga lagu khalkhalgalinayey oo uu ku eedeeyey siyaasiyiinta ay is hayaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa fariin adag u diray dad aanu magac dhabin oo uu sheegay inay ka dambeeyaan qaraxyo magaaladda ka dhacay, waxaanu tilmaamay inuu gacan adag ku qaban doonno sharcigana hor geeni doonno.

“Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelin lahaa”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey dad aanu magacaabin.

Mar uu ka hadlayey khilaafka kulmiye waxa uu yidhi “Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan kaxumahay manaan filayn wakhtigan,  oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo si qurux badan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in  Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.”

Waxaanu intaas ku daray “Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soosaaray in aan gudoomiyaha kuwareejiyo marka aan kuguulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed ”.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu sharcigu siinayo in mar labaad isku soo taago madaxweynenimadda, isla markaana uu yahay musharax  madaxweyne, isla markaana ogol yahay in lala tartamo.

“Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Madaxweynuhu wuxu u mahad-celiyay odayaasha guurtidda ee soo kala dhex galay khilaafka isaga iyo gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi, waxaanu sheegay in aanu diidin taladdii ergaddu usoo soo jeedisay balse wuxuu xusay inay mudan tahay in sharciga lagu kala baxo.

Dhinaca kale, garabkii uu hogaaminayey gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biiixi Cabdi ayaa sheegay inay aqbaleen ergaddi guurtidda, isla markaana dib u dhigeen shirkii golaha dhexe ee maanta dhici lahaa, sidoo kale waxay iska fogeeeyeen qaraxyadda lagu eedeeyey.

“Anagoo ka jawaabayna baaqii gudida dhexdhexaadinta ee Golaha Guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa isla markaana aanu hakinay shirkii golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta Sabtida”ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Roobe oo ka hadlayey dib u dhiga shirkoodda.

“Waxaanu ka xunnahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in KULMIYE ka danbeeyey, waxaanu mar walba dhiiri gelinaynaa amniga iyo xasiloonida dalka waxaanu leenahay cid alla cidii ka dambaysayna way iska soo bixi doontaa”ayuu yidhi Rooble oo ka hadlayey eedeen wasiirka Arrimaha guduhu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen laba qarax oo khasaare geysan oo ka dhacay magaaladda Hargeysa.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in labadda garaba ka aqballeen baaqii ay usoo jeediyeen, isla markaana madaxweynaha oo u hadhsanaa uu isna aqballay, waxaanu intaas ku daray inay guddo galayaan dhagaysiga labadda garab waxay isku haystaan taas oo ay xal ka gaadhi doonaan.

 

Maxamed Xasan dheere.

Xafiiska Wararka  ee Hargeysa Online. 

Hargeysa Somaliland.

· ifraax on May 31 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>