Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xasan Macalin Waa Wasiirkii Madaxtooyada Ee Markii Uu Daahir Rayaale Ka Qaatay Lacagtii Kaambaynka Maalintii Doorashada.

Guddoomiyaha 3-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag u naqdiyey sharciyada guddida diwaangalinta ururada iyo axsaabta siyaasada oo uu sheegay inay mudadooda sharciyadu tahay 2 sano oo kali ah.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidoo kale qabyaalad iyo cunsuri-nimo ku eedeeyey xoghayaha guddida diwaangalinta Xasan Macalin, kaas oo uu ku tilmaamay shaqsi aan wacan iyo abaaltoona lahayn oo qabyaaladu diin u tahay.

Cali Maxamed Yuusuf waxa uu ka sheekeeyey wakhtigii uu ahaa wasiirka madaxtooyadda ee xukuumadii Daahir Rayaale oo uu si fool-xun ugu wacad-furay isla markaana inta uu lacagtii kaambaynka ka qaatay hadana maalintii doorashada ka horaysay uu si qabyaaladaysan u barbar istaagay Axmed Siilaanyo oo ay isku beel-yihiin isagoo wakhtigaas isaga iyo wasiirkii warshadaha ee xukuumadaas Rayaale Mr Axmed Cali Ubaxle ay iska casileen xilalkoodii. Guddoomiyaha 3-aad ee UCID Mr Cali waxa uu sidaasi ku sheegay qormo kooban oo uu Bage-kiisa Facebook ku baahiyey, taas iyadoo dhamaystiran u dhignayd sidan:- “Xasan-macalin,ninka ku hadlayay magaca haya'dda aan jirin ee Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda wuxu ahaa qabyaalad qaawan oo hadlaysa. Waa Wasiirkii Madaxtooyada ee Daahir Rayaale ee markuu lacagtii kambaynka qaatay, ee xataa tii muraaqibiinta reerkiisa qaatay, ee tu walba qaatay maalintii doorashada ka horeysay adeerkii isaga tegay. Waa qof aan wacad iyo abaal midna lahayn ee qabyaaladu diin u tahay. Haya'ddan uu sheeganayo laba sanadood oo keliya ayay sharci ahayd muddo kordhin sharci ahna may helin. wuxu inoo sheegay in loo soo gudbiyay go'aano sharci ah.oo ka soo baxay shirwaynihii Kulmiye waana beentii. Liiska lix nin oo shirgudoonklii ahi ay kala duunteen xubintii todobaad oo ahaa Dr Maxamed Cabdillahi oo sida intooda kale isaguba reer metelayay ayuu leeyahay waa go’aan shirwayne. Liiska Golaha Dhexe waxay ahayd in hal hal shirwaynuhu u ansixiyo. Tan kale gudida fulinta waxa iska leh soo jeedintiisa Gudoomiyaha Xisbiga waxaana la raacayaa xeerka xisbigu leeyahay waana sidii ay ahaan jirtay. Xeer Lr. 14 waxan hore ugu bixiyay shirqool lam 14 waxa kuligii ba loo samaystay dano gaar ah ee wax loo sameeyay dan qaran ba maaha. Anaga UCID ahaan waxa la yidhi Gudoomiyaha Xisbiga laba mar wax ka badan lama dooran karo. Sidii sheekadii AHN Sheekh Muxumad Yare iyo salaadii jimacaha ayaanu nidhi walaahi naanu sedex dooran afar goor dooran hadii aanu doono waayo sharciga UCID baa ogol. Waxay noqotay taayadii. Markaa Xasan-macalin futada ha iska geliyo Shirqool lambar 14 iyo qabyaaladiisa xun ee caantaynka ahba.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· ifraax on June 02 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired