Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Golaha Guurtidda oo ku dhawaaqay Go’aankii dhex dhexaadinta.

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddidii Golaha Guurtidda ee ku jirtay Dhex dhexaadinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa ku dhawaaqday go’aankii ay ka soo saareen dhagaysiga labada garab kaasoo u janjeedha dhinaca Xukuumadda.

brrGo’aanka Koowaad waxay Guddidu ayiday go’aamadii ka soo baxay gudidii shirweynihii kulmiye iyo liisaskii ay soo saareen ee golaha fulinta iyo golaha dhexe, kuwaasoo ay guddida diiwaangelinta Ururada siyaasaddu hore u ansixisay.

Sidoo kale, waxay go’aamiyeen in lagu tartamo Doorashada Madaxtinimada ee xisbiga dhexdiisa iyo in la sii daayo dadka xidh xidhan ee aan ku lugta lahayn waxyaabaha Amaanka Dalka wax u dhimaya.

Go’aanka Guurtidduna waxay u dhignaayeen sidan:-

Gudoomiyaha Guurtida ayaa ku dhawaaqay go’aankii Golaha guurtida ee khilaafka Kulmiye. oo kala aha: Guddiga Golaha Guurtiddu ka dib

Markii ay dhegaysteen: Dacwaddaha Labada dhinac, darseena Qoraaladdii ay u soo kala gudbiyeen;

Markii ay arkeen : Qoddobka 19aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, Xarafkiisa H, Faqradiisa 1aad; Markii ay arkeen : Xeerka Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Xeer Lambar 14, Qoddobkiisa 25aad, Faqradihiisa 4aad & 5aad; Markii ay Arkeen Warqadda Sumadeedu tahay GDU/AA/206/2014, kuna Taariikhaysnayd 31/05/2014ka oo ka soo baxday Xafiiska Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Axsaabta Qaranka; Markii ay Arkeen Go’aankii Guddiga Turxaan-bixinta ee u Madaxweynuhu u magacaabay khilaafka Xisbiga dhexdiisa 01/01/2014, Qoddobadiisa 5aad iyo 6aad ee ku Taariikhaysan 22/02/2014. Iyadda oo ay waajib tahay in la soo af-jaro Khilaafkan Cakiran ee hadheeyay Xisbiga Kulmiye si aanu u sababin Bur-bur iyo kala-qaybsanaan ku yimaadda Xisbiga Dhexdiisa Haddaba, Guddiga Golaha Guurtiddu iyaga oo ka duulaaya dhammaan Arrimahan kor ku sheegan waxay soo saareen Go’aamaddan: –

1. In Go’aanaddii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay soo saareen Shir-guddoonkii Shir-weynuhu, una gudbiyeen Madaxweynaha JSL, Guddoomiyaha Xisbiga, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta, Isla markaana ay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Asxaabta Qaranka ansixiyeen ay sidooda ayay Dhaqan-gal u yihiin.

2. Inkasta oo u Xaq u yeelan karo Madaxweynuhu iyo Qof kasta oo Dalka Madaxweyne ka noqdaaba in uu dhammaysto Labadda Teeram Doorasho ee Dastuurku u jideeyay, hase yeeshe in cid kasta oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Buuxisa Shuruudaha laga rabo qofka isu taagaya Doorashadda Jagadda Madaxweynaha uga tartami karo Golaha dhexe ee Kulmiye dhexdiisa. a. Waxa Reeban Shacaa’ir kasta oo muujinaya Astaan Musharax ama Doorasho ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga ku muddaysan Xeerka Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka;

3. Wixi dad loo xidh-xidhay Arrimo la xidhiidha Khilaafka Xisbiga Kulmiye la sii daayo.

WA BILAAHI TAWFIIQ

· ifraax on June 07 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>