Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xisbiga UCID oo xukuumadda ku bogaadiyey qaadacaada shir Ganacsiga Sweden.

Hargeysa(Hargeysa Online) Xisbiga UCID ayaa xukuumadda Somaliland ku bogaadiyey qaadacaada ay ku joojisay ka qayb galka sghir ganacsiga qaybaaha Somaliya Dawladda Sweden ugu qabanayso Dalkeeda.


Xisbiga UCID, waxa uu mar kale xukuumadda ugu baaqay inay ka joojiso tagitaanka shirkaasi Ganacsatada Reer Somaliland ee lagu soo marti-qaaday, iyagoo ku dooday inaanay wax dan ahi jirin.

Ujeedo/War_Saxaafadeed (Shirka Somalila E Ka Dhacaya Sweden)

Sida laga warqabo waxa tobanka Bisha June 2014, lagu qabanayaa shirweynaha Fursadaha Ganacsiga ee Somalia (Conference on business opportunities in Somalia). Shirkan waxa soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Sweden.

Sida ku cad Qorshaha barnaamijka Shirka , waxa lagu sheegay inay ka qayb geli doonaanaan wax loogu yeedhay Wazaaradaha Ganacsiga Dowladda Somalia, Somaliland, Puntland iyo Jubba land. Waxa kale oo shirka ka qayb gelaya wax loogu yeedhay shirkadaha ganacsiga ee ka soo kala jeeda Maamulladan, Ganacsato reer Sweden ah iyo Qurbo joogta Somalida oo aan loo kala aabbo yeelin.

Si loo hubiyo xaqiiqda shirkaas iyo saamaynta uu ku yeelan karo Siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland, Milgaha dowlanimo ee Somaliland iyo danaha guud ee qaranka, wuxuu xisbga UCID raadiyey sida ay Xukuumadda Somaliland uga warqabto iyo siyaasadda dowlaldda ee ku aadan shirkan, waxa xisbigu u saaray guddi arrintan soo baadha iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Dowladda oo ay khusayso. Sida Wasaarada Ganacsiga,ArimahaDibada



Xisbigu UCID, wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa Agaasimaha guud iyo Agaasime waaxeedyada wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga oo si fiican noogaga war bixiyey siyaasadda guud ee ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland iyo Halka ay Xukuumaddu ka taagan tahay Shirkaas oo na farxad geliyey (In Aaney Somaliland Ka Qaybgaleyn) waayo waa wax aan micno buuxa u lahayn Shacbigeena lidna ku ah Danaha iyo Milgagaha Qarannimo e Somaliland.

Waxa kale oo u caddaatay Xisbiga UCID, in ay jiraan Ganacsato reer Somaliland ah oo shirkaas lagu martiqaaday oo la filayo inay ka qayb galaan .

Sidaa awgeed, iyadoo uu Xisbigu garwaaqsan yahay siyaasadda qaranka ee Ganacsiga Xorta ah, iyo madax-bannaanida ganasatada ee ku raadsan karaan maalgashi, Hase yeeshee wuxuu xisbiga UCID ka dayrinayaa ka qayb galka shirkaas oo aan wax dan ahi ugu jirin. Waxaana Xisbiga UCID ugu baaqayaa inay ka joojiso ganacsatada la sheegayo inay ka qayb gelayaan, sababta oo ah Xukuumadda ayaa ka mas’uul ah la socodka horumarinta Gan Xisbiga UCID wuxuu hore uga digey in aan dawlada iyo ganacsatada somaliland midna ka qayb gelin.acsiga, Maalgashiga iyo Arrimaha Dibedda.

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Wuxuu Ugu Baaqayaa Jaaliyada Reer Somaliland Ee Stockholm In ay Ka Soo Hor_Jeestaan Wax Kasta Lidi Ku ah Qaranimada Somaliland

Allaa Mahad Leh

· abdi on June 08 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>