Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dhismaha Wadada cad ee Isku Xidhaysa Sallaxley Iyo Hargeysa Oo Maanta Si Rasmi Ah Loo Bilaabay

u_68978d_2012-6-14-16-59-46f_waddo3.jpg

u_68978d_2012-6-14-17-1-42f_wado2.jpg

u_68978d_2012-6-14-17-5-31f_waddo4.jpg

u_68978d_2012-6-14-17-6-20f_waddo5.jpg

u_68978d_2012-6-14-17-16-5f_waddo6.jpg

u_68978d_2012-6-14-17-47-51f_waddo8.jpg

u_68978d_2012-6-14-19-2-24f_waddo9.jpg

u_68978d_2012-6-14-19-6-48f_waddo11.jpg

u_68978d_2012-6-14-19-7-49f_waddo16.jpg

Hargaysa(Hargeysa Online)Xaflad lagu shaacinayo bilowga wada Cad oo ah waddo  isku xidhi doonto Magaalooyinka Hargaysa iyo Salaxley ayaa maanta lagu qabtay goobta la filayo in laga bilaabo wadadan oo ku taala duleedka koofureed ee magaalada hargaysa.


Haddaba xafladan lagu shaacinayo bilowga wadada isku xidhi doonta magaalooyinka hargaysa iyo Salaxlay oo dhan 57Km ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Maayirada Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco , Xildhibaano ,  Qurbo Joog, Cuqaal, Guddida Dhismaha Wadan, Haween iyo Dadweyne aad u tiro badan .

Ugu horeyn Guddoomiye ku xiggeenka Guddida Mashruuca dhismaha wadada cad Sheekh Maxamed Cali Geedi oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa  sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta arko in si rasmiya loo bilaabay dib u dhiska wadada cad oo uu sheegay in tahay wadadii ugu horeysay ee uu dhisay talyaanigu muddo haatan laga joogo dhowr iyo toddobaatan  sanno, waxa kale oo uu sheekhu sheegay in dib u dhiska wadan fikirkeedu bilaabmay  muddo ku siman laba sannadood waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

Wadadani halkaa aynu hadda ka bilownay ilaa iyo salaxley waa  57km waxaana aynu rajaynaynaa in aynu gaadhsiino ilaa iyo ina Guuxaa Insha-allah, Saddex iyo Tobankan Killo-metter ee ugu horeeya in aad soo dhaafteen mooyiye daamurkiisii oo dhami halkaas ayuu yaalaa jaygiina waa diyaar, qalabkiisiina waa diyaar waxaana aan filayaa in 13km ay si dhakhso ah ku dhamaadaan .
Mashruucan oo ku kacaya afar bilyan iyo laba boqol oo kun waxa runtii inoo fudaydiyey ilaahay danbigiisa ha dhaafee Cumar Caydiid waxa uu keenay dhamaanba qalabkii lagu samaynayey wadadan oo dhan laba iyo toban iska rogo iyo cagafyadii, qalabkaasi waxa lagu qiyaasay  kharashkiisu in uu noqonayo Milyan iyo Afar Boqol oo Kun markaa intaas ayuu Cumar ku Darsaday Wadada.
Mashruucani waa sadaqa jaariya oo qofkii wax ku darsanayaa uu ilaahay dartii ula niyoonayo ama waalidkii u bixinayo ama isagu sii dhiganayo, dhamaan dadkii gacanta ka gaystay waa aanu u ducaynaynaa.
Wadadan waxa aanu u kala qaybinay in kolba la dhiso saddex saddex iyo toban killo miter, halkan ilaa iyo toon waa saddex iyo toban km, Toon ilaa iyo duudka waa 13Km, saddex iyo tobanka kale waxa la dhafayaa qool-caday afar killo meter oo waxa la gaadhayaa ilaa riigii dabadeena waxa ku xigta in la gaadho salaxley .
Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu ka codsaday dadka ka soo jeeda deegaanka Salaxley iyo cid kasta oo jecel in ay wax ku darsato wadadan in ay deg deg u soo gudbiyaan .
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin(c/raxmaan Dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Ee Somaliland isla Markaana ka tirsan Guddida Dib U dhiska Wadadan waxaana uu sheegay in wajigani uu yahay wajigii labaad ee wadada kaas oo ku saabsan sidii loo shaaci lahaa bilowga wadan, isla markaana loo guddoomi lahaa deeq lacag ah oo ay iska soo ururiyeen haweenka ka soo jeeda deegaanka wadadan laga dhisayo  ee dagan hargaysa .

Xil: C/raxmaan Dheere waxa kale oo uu tilmaamay in wadadan loo qorsheeyey ina ay marto saddex marxaladood  oo kala duwan, isagoo gabagabadiina xusay in waddooyinku ay yihiin bilowga horumarka .

Maayirka Caasimada Hargaysa Eng: Xusseen Maxamuud Jiciir  oo halkaasi  ka hadlay ayaa waxa uu sheegay ka dawlad hoose ahaan intii taagtooda ah ka  qaadan doonaan wadadan, isagoo geesta kalena u soo jeediyey qurbo jooga u dhashay deegaanka salaxley in ay si hufan uga qayb-qaataan dhismaha wadadan .

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in ay wadadani ay tahay mid ay wada leeyihiin shacabka Somaliland Mustaqbalkana ay noqon doonto mid ka qayb-qaadata  Ganacsiga iyo Isku xidhka dalka .

Marwo Faadumo Shaacib oo ku hadlaysay  afka Haweenka ka soo jeeda deegaanka Salaxley ee ku nool magaalada hargaysa ayaa sheegtay in qurbo jooga iyo dadka u dhashay deegaanka ay wadadani marayso ay ka qayb-qaataan sidii ay wadadani u hir gali lahayd iyadoo gabagabdiina Guddida dib u dhiska wadada cad ku wareejisay lacag dhan laba iyo siddeetan kun oo dollar(82000$) oo ay haweenkaasi ugu talo galeen in ay kaga qayb-qaataan wadadan, iyadoo geesta kale intaasi raacisay in aanay deeqdan lacageed ee ay ugu talo galeen in ay kaga qayb-qaataan wadadan aanay noqon doonin tii ugu danbaysay .


Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah qurbo jooga ka soo jeeda deegaanka salaxley ee ku nool wadamada Norwey iyo Ingiriiska , Xildhibaanad Faadumo  Cumar Ileeye iyo marti sharaf kale waxaana ay dhamaantoodba ay hoosta ka xariiqeen qiimaha ay leedahay wadadani iyo sida ay u mudan tahay in looga qayb-qaato .

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo ah Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Degaanka salaxley waxaana uu si rasmiya u iclaamiyey in ay maanta bilaabantay  wajigii ugu horeeyey  ee dhismaha wadada isku xidhi doonta Magaalada  hargaysa iyo degmada Salaxley, geesta kalena waxa amaan balaadhan u soo jeediyey dadka ka qayb-qaatay dhismaha wadadan oo ay ka mid yihiin Haweenka ka soo jeeda Deegaankaasi ee degan magaalada hargaysa oo ku deeqay lacag gaadhay(82000$) Muwaadin Cumar Caydiid Axmed iyo qurbo jooga deegaankaasi oo kaalin weyn ka qaatay wadadaasi.s

Gabagabadii Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir waxa Guddoomiyaha Guddida Dhismaha Wadada isku xidhaysa Hargaysa iyo Salaxley ku wareejiyey lacag gaadhay labaatan kun oo dollar(20,000$) oo ay dawlada hoose ee magaalada hargaysa kaga qayb qaadanayso wadadan .

Gabagabadii Munaasibadaasi lagu shaacinayey bilowga dhismaha wadada cad waxa shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey dadkii ka qayb-qaatay dhismaha wajiga hore ee wadadan .

Haddii aad jeceshahay in aad gacan ka gaysato wadadan ku soo hagaaji taakuladaada Accounada Dahabshiil: 26000, Salaama Bank: 60029985 ama Zaad Service: 4840000
 

Ayaan maxamed cismaan
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland

· xaaji on June 15 2012 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>