Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xaflad Qalin-jabin ah oo Arday Soomaaliyeed loogu Qabtay OHIO.

Xaflad qalin-jabin ah oo sannad walba loo qabto ardayda ka baxda dugsiyada sare ee magaalada Columbus ayaa sannadkii shanaad mar kale maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Hilton. Waxaa xafladda ka qayb-galay aqoon-yahanno, waaliddiin, arday, mas’uuliyiin xafiisyada dowladda iyo marti sharaf kale. Intii ay xafladdu socotay waxaa laga hadlay ahmiyada waxbarashada iyo sida ay uga qayb-qaadato dhismaha nolosha aadanaha iyo fahamka hannaanka dunidu u shaqeyso. Prof. Jibriil Maxamed oo xafladda furay ayaa ka sheekeeyay sidii barnaamijkan deeqaha waxbarashada ee sannad walba loo qabto ardada Soomaaliyeed ee ka qalinj-abiya dugsiyada sare ee Ohio uu ku billowday. Jibriil ayaa sheegay inay ujeeddadu tahay in ardayda Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo waxbarashada iyo in ay dareemaan in bulshada Soomaaliyeed ay ku farxayso horumarkooda dhanka waxbarashada. Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay muhiim tahay in bulshadu ay si weyn uga qayb-qaadato waxbarashada isagoo tusaale u soo qaatay barnaamijkii Kediska ee lagu tartansiin jiray iskuullada Soomaaliya. Dr. John Stanford oo ah madaxa dugsiyada magaalada Columbus, OHIO ayaa u hambal-yeeyay ardayda qalinjabisay iyo waalidiintood, isagoo tilmaamay in maamulkiisu la dhacsan yahay sida Soomaalidu waxbarashada ay ugu dadaalaan. Qaar ka mid ah ardaydii dhammeysay dugsiga sare ayaa helay deeqo waxbarasho oo loogu magac daray (Somali Pride Scholarships) ayaa la guddoonsiiyay 10 arday oo ka koobnaa shan wiil iyo shan gabdhood.

Hay'adda soo abaabushay xafladda ayaa mas’uuliyiin u hadlay waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin horumarka ay gaarayaan ardayda Soomaaliyeed oo sannad walba tiradoodu sii kordhayso, iyagoo waalidka ardayda ku bogaadiyay door muuqda ee ay ka ciyaareen sidii ay ardaydu ay heerkaan kusoo gaari lahaayeen. Mas’uuliyiin ka socday xaafiiska dowladda Hoose ee Columbus iyo gobolka ayaa ku ammaanay hay'adda SOMALICAN iyo shaqsiyaadka taageeray barnaamijkan iyadoo abaalmarino lacageed la guddoonsiiyay ardaydii dhameeyay dugsiga sare qaarkood. Sannad walba waxaa dugsiyada sare, jaamacadaha iyo kulliyadaha gobolka OHIO ka baxa boqolaal Somali ah, taasoo muujinaysa sida dhallinyarada Soomaaliyeed uga qayb-qaadanayaan tartanka dhanka waxbarashada ee ka jira dalka Maraykanka, waxaana hay'adda SOMALICAN ay ka mid tahay hay'adaha dhiirri-geliya ardayda Soomaaliyeed iyo waaliddiintooda si loo helo bulsho isku tiirsan oo ka muuqata jaaliyadaha kale. Guud ahaan, xafladda oo ay jaaliyadda Somalida Ohio kala soo qaybgaleen madax kala duwan, aqoonyahanno iyo dad u ololeeyaya arrimaha Soomaaliya ayaa ahayd mid loo agaasimay si habsami leh iyadoo ay dhammaan kasoo qayb-galayaashu u riyaaqeen wanaagga ay magaalada Columbus ka taabbo-gelisay hay'adda Somali-CAN.


Feysal Mahdi Huseen
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Columbus, Ohio

 

2014629635396245888679438img_4327.jpg

2014629635396246759373000img_4328.jpg

2014629635396247520773039img_4314.jpg

2014629635396253324440189img_7943.jpg

2014629635396256497276159img_7954.jpg

2014629635396258812156616img_7959.jpg

2014629635396264816566639img_8049.jpg

2014629635396266509779093img_8331.jpg

2014629635396269862975695img_8316.jpg

· abdi on June 30 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>