Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Tababar loogu soo xiray Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay magaalada Muqdisho loogu soo xiray tababar u socday muddo toddobaad ka badan, kaasoo ay ka qaybagleen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan. Hadal uu xiritaanka tababarkan ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab ayuu ku sheegay in tababarkan uu qayb weyn ka qaadan doono isbedel dhinaca ammaanka ah oo ka dhaca Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa intaa ku daray in maamulkiisa uu wado qorshihii 2016-ka lagu gaari lahaa maamul cusub oo ku yimaada hab doorasho ah kaasoo bedeli doona maamulkiisa. “Waxaan doonayno waa inaan furno jidkii loo mari lahaa in maamulkan uu bedelo maamul ay shacabka Muqdisho soo doortaan marka la gaaro 2016-ka, waxaana ku faraxsanahay in caawa tababar faa’iido badan loosoo xiray guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir,” ayuu yiri Muun-gaab. Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre oo sheegay in guddoomiyeyaasha tababarka loosoo xiray ay horyaallaan howlo badan oo adag, uuna rajeynayo in tababarkan uu wax badan oo howlahooda ah ka caawin doono. Tababarka loosoo xiray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu baray maamul wanaagga iyo sida guddoomiye walba uu u adkeyn lahaa ammaanka degmada uu madaxda ka yahay. Waa markii ugu horreysay oo tababar noocan oo kale ah la siiyo dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii uu xilalka u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab). Si kastaba ha ahaatee, tababarkan ay dhameysteen guddoomiyeyaasha ayaa kusoo beegmaya xilli ay Muqdisho ka dhacayaan falal ammaan-darro oo ay mas’uuliyadooda sheeganayso Xarakada Al-shabaab, lamana oga sida ay wax uga qaban karaan arrintaas.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.

· ifraax on July 20 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>