Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xildhibaano ka walaacsan amnigooda eedeynna u jeediyay dowladda Somalia.

 

 

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood waxay walaac xooggan ka muujinaya ammaankooda, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay dayacday ammaankood. Mudane, Muuse Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga xuquuqul Insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in xildhibaannadu ay dareemayaan cabsi weyn kaddib dilal dhowr mudane loogu geystay Muqdisho sannadkan. “Dowladda ayaan ku eedeynaynaa inay ka gaabisay gudasha waajibkeedii ahaa inay sugto ammaanka xidhibaannada baarlamaanka, waxaana gabi ahaan dareemaynaa walaal dhinaca ammaankeenna ah,” ayuu yiri Muuse Sh. Cumar. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in dilkii Saado Cali Warsame uu ahaa mid mar qura kiciyay dareenka xildhibaannada ee ku aaddan in mid mid loo ugaarsado oo la dilo, iyagoo tanina ay dhaawici karto howlaha baarlamaanka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed. “Qof walba markii maalintiisu ay gasho ayaa la dilayaa, waanu dhimanayaa meel walba oo uu ku sugan yahay, balse tan is-weydiinta mudan ayaa ah in la dayacay xildhibaannada,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaanka. Mar la weydiiyay go’aanka ay qaadanayaan haddii arrintu sidan kusii socoto ayaa wuxuu sheegay in xildhibaannadu ay go’aan cad qaadan doonaa, balse uusan doonayn inuu hordhaco go’aankaas. “Xildhibannadu way ku qasban yihiin haddii la sugi waayo ammaankooda in ay go’aan qaataan,” ayuu yiri xildhibaanka oo sheegay in guddiyada difaaca iyo arrimaha gudaha iyo amniga baarlmaanka ay horay ugu gudbiyeen xukuumadda go’aan ah in xildhibaannada loo sameyo ilaalo gaar ah. Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaan wadan wax ilaalo ah markii kooxo hubeysan ay ku dilayeen degmada Hodan, waxaana lala dilay darawalkeedii oo ka mid ahaa shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya. Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore ku gooddisay inay meel walba ku ugaarsan doonaan xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya, haddii ay isaga tegi waayaan ka mid ahaanshaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.

 

· ifraax on July 25 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>