Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xisbiyada Mucaaridka iyo MadashaWada-tashiga oo ku Baaqay.

 

Xisbiyada  Mucaaridka ee Somaliland Waddani,  Ucid iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlada Wadaag ah, haaddii Xukumadu wakhtigeeda ay ku qaban waydo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada.

Waxa kale oo ay ka Dayriyeen in ay xukumada Siilaanyo ay diyaar u tahay in ay doorasho ka dhacdo dalka iyaga oo hoosta ka xariiqay in haaddii dalka doorasho ka dhiciweydo ay eeda leedahay Xukuumada wakhtigan jirta.

Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay wadda jir ugu qabteen Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa.

Shirkasi Jaraa’id ayaa wax aka qaybgalay masuul;iyiinta ugu sareysa ee Labbada Xisbi Mucaarid iyo Madasha Wadatashiga.

Qoraal Dheer oo ay halkaasi ka akhriyeen ayaa waxa uu u dhigna sidan .

 

  1. In ay dalka ka jirto guud ahaan Nabadgelyo taam ah, taas oo muujinysa in aanay jirin Duruufaha ku xusan qodobka 83aad iyo 42aad, sidaasi darteedna ay waajib tahay in ay doorashooyinku Madaxweynaha iyo Golaha wakiilladu ku dhacaan muddadii sharcigu cayimay oo ku addan 26juun 2015.
  2. In ay lagamaarmaan ay tahay in la qabto diiwaangalinta codbixiyaasha muddadii loo qorsheyey, siodii horeba ay uga wadda heshiiyeen, Saddexda Xisbi qaran, Xukuumadda iyo Guddida Doorahooyinku.

. si loo xaqiijiyo in ay dhacaan doorashooyin xor iyo Xalaal ah.

. si looga hor-tago in ay soo noqdaan Gol-daloolooyinka ka soo baxay Doorashadii Dawladaha Hoose ee 2012kii.

 

  1. Ina ay  lama huraan tahay in xulashada iyo ansixinta xubnaha  guddiga doorashooyink aqaranka la dhamma ys-tiro bilaha Ogost iyo Sibtambar gudahooda, mar haaddii  muddo xileedka guddidani ku eeg yahay 29 Octoober.
  2.  In ay lagama-maarmaan tahay in wax laga beddelo qaabka iyo shuruudaha xulashada iyo magacaabista xubnaha guddiga Doorashooyinka Qaranka:

. si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimada Guddiga:

.Si loo abuuro duruufo Dimuqraaddi ah oo ay u siman yihiin Saddexda Xisbi Qaran ee doorashada ku tartamayaa.

  1. Haddii  ay dhacdo in ay doorashooyinku Xilligoodii ku qabsoomi waayaan:

.  in ay Eedeeda yeelan doonto Xuumuddu, iyada oo ay waajibkeeda tahay in ay qabato doorashada xilligeeda.

.in ay Waajib noqondoonto in wixii ka dambeeya 26ka juun 2015ka la dhiso xukuumad ku meel gaadh ah, oo loo dhan yahay , waajibkeeda koowaadna yahay in ay  dalka doorshooyin.

 

. in haddii marka la gaadho 31ka diisambar 2015ka, ay muuqato ama caddaato in aan dalka doorashooyinkii ka dhacayn xilligii loo qorsheeyey, waxa la bilaabi doona sidii looga hawl-geli lahaa abaabulka Xukuumadda ku-meel-gaadhka ah eek or ku xusan.

 

ALLA MAHAD LEH.

Qoraalkan ayaa waxa ku saxeexnaa

1. Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe

2. Musharax Jaggada Madaxtinimad aee Ucid Jamal Cali Xusseen

3. Cali Maxmamed Yuusuf (Cali Guray)

4. Gudomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro).

5. Guddoomiye Ku-xigeenka Axmed Muumin Seed.

6. Ibraahin Jaamac Cali rayte

7. Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Xassan Guurre.

8. Maxamed Xaashi.

9. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne)

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on August 10 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired