Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Somaliland Iyo Itoobiya Oo ka Wadahadlay Duulimaadyada.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dawladda Fadaraalka Itoobiya Ambassador Berhane Gebre-Christos. kulankaasi ayey labada Wasiir kaga wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee labada dawladood iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Iskaashiga labada Umadood.

 

Wasiirka Duulista Somaliland iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dawladood ee dhinacyada Duulimaadyada, Nabadda, deggenaanshiiyaha gobolka, iyo xidhiidhka ganacsi ee labada dal.

Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday wada shaqaynta Shirkada Ethiopian Airlines iyo Wasaaradda duulista Somaliland iyo sidii loo kobcin lahaa wada shaqayntaasi, iyagoo isla gartay muhiimada ay leedahay in sare loo qaado xidhiidhka Duulimaadyada madaniga ah ee labada dal, taa soo salka ku haysa is dhex galka labada bulsho ee dariska ah. Iyo in dawladda Itoobiya ay fursado waxbarasho oo dhinaca duulimaadyada ah ay siiso shaqaalaha wasaaradda duulista Somaliland.

 

Labada dhinac ayaa iyaga oo ka Duulaya qorshaha shirkada Ethiopian Airlines duulimaadyada kaga bilaabayso madaarka Berbera,  waxay isla meel dhigeen in muwaadiniinta Itoobiya loo fududeeyo inay safaro dalxiis iyo ganacsi ku yimaadaan xeebta magaalada Berbera.

Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda dawladda Itoobiya Ambassador Berhane Gebre- ayaa kulankaasi ka cadeeyey  inay dawladiisa ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka labadda dal, iyo in layska kaashado nabadda,  xasiloonida, horumarka iyo dalxiiska.

 

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dawladda Itoobiya ku bogaadiyey kaalinta ay ku leedahay nabadda deggenaanshiyaha iyo horumarka gobolka, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda Somaliland ugu go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.

Dhinaca dawladda Somaliland Wasiirka Duulista iyo  Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kulankaasi ku wehelinayey ku simaha safiirka Somaliland ee Itoobiya  Ambassador Ayaanle  Salaad.”

 

ALLA MAHAD LEH.

Saddam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Hawada & Gaadiidka Cirka JSL.

· abdi on October 01 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>