Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Maxkamadda Ciidamadda Qaranka Somaliland oo Bilowday dhagaysiga afar Askari.

Hargeysa(Hargeysa Online)Maxkamadda Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa shalay bilowday dhagaysiga Dacwada Afar Askari, kuwaas oo ay xukuumadda Somaliland u qabatay Dilkii labadii Sarkaal ee xero ku taala Deegaanka Qorulugud.

Afarta Askari ee la maxkamaddaynayo ayey Xukuumaddu soo xidhay kadib markii uu baxsaday Askari lagu Eedaynayo in uu Dilka saraakiishaasi fuliyey, waxaanay isla maalintii la qabtayba loo soo dhaadhiciyey Hargeysa.

Askartan ayaa lagu Eedaynayaa danbiyo kala duwan hase yeeshee waxa shalay markii ugu horaysay la dhagaystay Eedaha loo haysto oo ay Xeer ilaalinta Ciidamaddu soo oogtay.

Gaashaanle Sare Yuusuf  Faarax Sharmaarke oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Somaliland darajadeeda koowaad oo Hargeysa Online wax ka   weydiisay Dacwadan ayaa ku gaabsaday inay bilaabeen dhagaysigeeda, balse aanay ka hor dhacayn natiijadeeda.

Xukuumadda Somaliland wax tafaasiil ah kamay bixin askarta la maxkamadaynayo iyo kiisaska loo haysto maadaama uu baxsaday Askarigii falka geystay, hase yeeshee  wararka qaarkood ayaa sheegaya inay ku Eedaysan yihiin inay ku gacan siiyeen ama ay qaban waayeen Askariga falka geystay.

Askarigii Dilka geystay ayaa la filayaa inay Maxkamaddu isagoo maqan Xukun ka soo saarto, maadaama ay guda gashay Kiiska uu fuliyey.

Maxkamadda Ciidamadda ayaa dhawaan xukun Dil ah ku riday Askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska kaasoo Dilay Taliyihii saldhiga Arabsiyo ee Gobolka Gabilay.

Si kasta ha ahaatee, Dacwadan u danbaysay ee Maxkamadda Ciidanku bilowday ayaa shalay laga dareemayey culayskeeda Xarunta Maxkamadda, waxaana la adkeeyey amaankeeda.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on October 13 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>