Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Madaarka Cigaal ka Bilowday Baadhitaan.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed ayaa maanta madaarka magaalada hargaysa ka bilawday baadhitaan dadka madaarka ka soo daga lagaga baadhayo xanuunka halista ah ee EBOLA.



hawshan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Caafimaadka iyo Duulista iyo Hawada ayaa maanta laga bilaabay madaarka Egal, iyada oo la baadhay dhamaan dadkii maanta ka soo degay madaarka.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr: Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo hawshaasi kormeeray ayaa laanta afka Soomaaliga a ee Idaacada VOA uga waramay Shaqada ay maanta halkan ka bilaabeen waxaanu yidhi “ diyaar garawga aanu wadnaa waxa weeye 53 goobood oo dalka laga soo galo oo Cirka,Dhulka,Badaba ah dhamaan goobahaasi waxaa naga go’an in aanu dhigno shaqaale tabaabran iyo qalabkii wax lagu baadhayey ee lagu hubinayey Caafimaadka Dadka wadanka soo galaaya madaarka ciagaal oo ah goobta ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo maanta shaqadu way ka socotaa, xadka wajaale oo ah goob iyana si weyan looga soo galo, iyana maanta ayaa la dhigayaa, shaqaalihiina way jogaan, 53 gooboodba waxa aanu rabnaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan shaqaale tababaran iyo qalabkoodiiba u dhigno,”

“Si aanu uga hortagno ugana taxadirno in Cudurkaasi uu wadanka soo galo, sidoo kalena Wasiir Saleeban waxa uu ka hadlay tayada iyo awooda qalabka ay wax ku baadhayaan, qalabka aanu wax ku baadhaynaa waa qalab runtii sheegaya in qofka xumadi ay hayso, maaha qalab sheeya in qofka Cudur hayo hadii markaa uu qofka heer kulkiisu kacsan yahay qofka dhinac ayaa loo duwayaa markaas ayaa baadhitaan dheeraad ah lagu samaynayaa, hadii uu qofku yeesho calaamadihii Xanuunka talaabada ku haboon ayaa laga qaadayaa, hadii kalena waxa uu sii wadanayaa safarkiisa.”

Wasiirka Caafimaadka yaa sidoo kalena intaasi ku daray “Waanu leenaha awood aanu ku xaqiijin karno cida uu xanuunku hayo diyaarna waanu u nahay najiito kasta oo baadhitaanada aanu wadno ka soo baxda.”

“ Xanuunkani waa Xanuun xun boqolka qof ee uu ku dhacana sideetan ka mid ah ayuu dilaa, ilahay inaguma keenee waad garan kartaa culayskiisa iyo dhibtiisa, Xanuunkani Dalkeena ma soo galin Ilaahayna inooma soo galiyo, wadamada dariska ahna qaylodhaani kama jirto, waxa aanu wadnaa uun waa taxadir iyo wacyi galin.” Ayuu yidhi Dr. Saleebaan Ciise Axmed.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on October 28 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>