Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Muqdisho oo lagu Qabtay Bandhig Farshaxaneed.

Bandhig caalami ah oo lagu soo bandhigayay qaar ka mid ah Farshaxanka Soomaaliya ayaa shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo bandhigan ay ka qeyb galeen dad isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib. Bandhigan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmi baarista iyo Wada tashiga ee CRD ayaa ahaa bandhigii u horeeyay ee nuuciisa ee lagu qabto magaalada Muqdisho, kadib bur burkii dowladdii hore. Ilaa 30 farshaxaniiste Soomaaliyeed ayaa ku soo bandhigay Farshaxan ka turjumayay dhaqanka Soomaaliyeed, siyaasada iyo waxyaabihii laga bartay bur burkii dowladdii dhexe sida Burcad badeedka. Bandhigan ayaa qeyb ka aheyd sidii Caalamka loogu soo jeedin lahaa dhaqanka iyo Farashaxanka Soomaaliyeed qiimaha uu leeyahay, waxaana gacan ka geysatay soo bandhigida sawir gacmeedyada gabar ka soo jeeda qoys ajnabi oo dhinaca farshaxanka caan ku ah. Gabadhan oo lagu magacaabo Palmira Ciacciarelli ayaa aad u soo dhoweysay in Farshaxaniiste Soomaaliyeed inay soo bandhigaan sawir gacmeedyo layaab leh oo caalamka aad qiime ugu leh. Intii ay socotay bandhigan ayaa waxaa dadka isugu jiray Soomaalida iyo Ajnabiga ay mid mid u iibsanayeen sawir gacmeedyada la soo bandhigyay ee ka turjumayay dhaqanka iyo siyaasada soomaaliya, waxaana uu gaaray ilaa xalay fiidkii, iyadoo dadkii iibsanayay iyo kuwii daawanayay ay aad ugu riyaaqeen habka loo sameeyay sawiradan. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa ka qeyb galay bandhigan Farshaxanka ahaa, sidoo kale Danjirayaasha Soomaaliya ku sugan ee dalalka caalamka u jooga ayaa qeyb ka ahaa. Agaasimaha Xarunta cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa sheegay in farshaxanka uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadkii ka soo qeyb galay bandhigan ay la yaabeen in dad soomaaliyeed oo Muqdisho ku sugan inay sawiri karaan sawir gacmeedyo cajiib ah oo caalamka qiimo ka leh. “Bandhigan waxaa loogu tala galay in lagu soo bandhigay dadka Soomaaliyeed ee wax sawira awoodooda aqooneed, oo runtii ka turjumaya dhaqanka, farshaxankana uu yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya Soomaalida”ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle Madaxa CRD. Farshaxaniistayaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay bandhigan ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan bandhigyo caalami ah oo ka dhici doona magaalooyinka Toronto iyo London, taasoo fursad u siin doonta in Farshaxaniistaasha ay ku soo bandhigaan aqoontooda sawir gacmeed.

HargeysaOnline.Net

· abdi on November 01 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>