Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Labo Wasiir oo ku dhawaaqay inay u sharaxan yihiin Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa(Hargeysa Online) Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Dibeda iyo Wershadaha ayaa shalay hotelka Guuleed ku qabtay shir balaadhan oo ay u qabteen qaybaha bulshada ee beesha Sacad Muuse, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen in Madaxweyne Axmed Siilaanyo ahay musharaxa madaxtinimada Xisbiga Kulmiye, dabadiina ay ku tartami doonaan cida Hanka leh ee Golaha Dhexe ku jirta kuwaas oo ay ka mid yihiin labada Wasiir ee Maaliyadda iyo Arrimaha dibedu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horayna ka hadlay qado sharafta ay Beesha Sacad Muuse u sameeyeen ayaa cadeeyey in uu u taagan yahay Musharaxnimada Madaxweyne Axmed Siilaanyo kadib.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu ku bilaabay hadalkiisa “Waxa ugu muhiimsan ee aynu maanta halkan iskugu nimid waxa weeye inaynu gacmaha isqabsano,Dawladdeena Somaliland dhisano oo Madaxweynaheena barbar istaagno oo meel uga soo wada jeedsano Qadiyada Somaliland,Citiraaf raadinteeda Horumarkeeda iyo himiladeeda

waxaan halkan ka cadeynayaa in aan Han leeyahay oo aan u tagaanahay Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, laakiin manta ma aha, manta Madaxweynahaa ku dhawaaqay oo musharax inoo ah laakiin dabadii in aan Han leeyahay ayaa sheegayaa” ayuu yidhi

Wasiir C/casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay Qado sharafta ay u sameeyeen Beesha Sacad Muuse ayaa sheegay in uu u taagan yahay Madaxweyne Siilaando dabadii Musharaxnimada Madaxtinimada, isagoo sheegay Madaxweyne Siilaanyo in uu yahay musharaxa Xisbiga Kulmiye, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Munaasibadan Qaaliga ah iskugumaynaan iman in aynu cid ku Xumayno, Iskugumaynaan iman in aynu cid ku waxyeelayno, Iskugumaynaan iman in aynu cid ugu tashano, waxaynu iskugu nimid in aynu ku wadda tashano inaga oo Walaalo ah. Waa Munaasibad qaali ah run ahaantii qiimo weyn leh illaahay idinkiina taariikhda meel weyn ka gali doonta. waan ku hambalyeynayaa walaalkay Maxamed Biixi Yoonis, hadalkii qiiimaha lahaa ee uu halkan ka yidhi, waxanu idiinku yeedhnay anaga oo wasiiradii Reerka ah, sidaa walaalkay Maxamed u sheegay, kow in aanu idiin sheegno haddii warar been ahi suuqa yaalaan, Musharaxa xisbiga Kulmiye waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagaanu hore u soo dhisnay imikana dhisaynaa, isagaanu dabba taaganahay oo Barbar taagan nahay isagaynu Hiil iyo Hooba horena ugu soo hurnay imikan u Barbar taagan nahay, waynu is-garabsanaynaa waynu is kaashanaynaa hore baynu u Guuleysanay kuwa danbena waynu ka guuleysan doonaa.

sidaa walaalkay Maxamed Biixi u yidhi haddii aanu nahay wasiiradii reerka ee Xukuumada tallada dalka haysa, horena waanu u cadeynay imikana waanu u cadeynaynaa in Madaxweynaha tallada Dalka haya kursiga uu ku fadhiyo inta uu ku fadhiyo aanu hurguri naga hayn, waxaanuse cadaynaynaa isaga dabbadii Han baanu leenahay waanu tartamaynaa, taa cida diidan ama tartanka Noocaas ah cida aan galli karayn Imika in ay saaxada banayso weeyi. walaalayaal waxaynu qaadanay nidaamka Axsaabta baddan oo Dimuquraadi ah oo dadku maanta wax ku badalayaan, qof-kay jecel yihiin kursiga ku saarayaan, ama Kursiga kaga dajinayaan warqad ay ku ridaan sanduuqa, iyada oo aan la ogeyn warqadaasi waxa ku qoran. horey u dhacday maantay taagan tahay baribay dhacaysaa, Somaliland waxay ka soo gudubtay wakhtiyo baddan oo adkaa, maanta dalkeenu waxa uu marayaa meel Geeska Afrika iyo Afrikaba Dimuquraadiyada, Doorashooyinka iyo Axsaabta lagu Majiiranayo oo laynagu Amaanayo , waxaad ogaydeen in Somaliland uu yiimid waftigii ugu cuslaa oo ka socday waddanka Itoobiya, waa Guulaha la taaban karo ee uu gaadhsiiyey dalka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Walaalayaal Sida uu Maxamed Sheegay waxaanu doonaynaa inaanu reerka u sheegno in musharaxa haatan taaggan uu yahay Axmed Maxamed maxamuud (siilanyo), wararka Suuqa laga sheegayo ee aan Fagaaraha laga odhanayn ee Ibriiqa lagu Adimayaa in ay been yihiin, markaa mar haddii aanu nahay wasiiradii Xukuumada waxaanu qabanay waa wax muuqda weeyi oo aanaan ugu tallo galin in badan inaanu halkan ku sharaxno, waxa ka koow ah shaqada ay qabatay wasaarada Arrimaha Dibadu waftigaasi dalka yimid ee balaadhan ayaa ah Guulihii ugu danbeyey, Wasaarada maaliyadu halka ay gaadhsiisay Miisaniyadii qaranka iyo inta Xafiis dawladeed leedahay ee Caasimada ku yaalla ee Madaxtooyadu ugu horeyso ayaa ah waxaan la dafiri karayn. waxba taa waxbaddan ka odhan mayno oo in baddan laga dheregsan yahay, Midnimada Reerka, midnimada dalka, Midnimada Ummadeena in la ilaaliyo weeyi, oo qofka wax doonayaa uu ku doono waddo wanaagsan oo xalaal ah. hubaal waxa ah in uu damac jirro oo dadka Bini’aadamka damac leeyihiin oo illaahay ku beeray, qof baa Xoolo jecel, Qof baa Cilmi Jecel, qof baa Xukun jecel, qof baa Ubad jecel qof ba waxbuu jecel yahay, bixintuna waa illaahiyanoo Qof kuu doono Ubadkuu u badiyaa, kuu doono xooluhuu u badiyaa oo Maal baddan iyo Maaliyad baddan buu siiyaa, qof kuu doono Illaahay caafimad buu siiyaa, Qof kuu Doono talladuu u dhiibaa waa Qayb illaahay, laakiin Qaybta Illaahay qofka ku qanci waaya waa Nasiib darro. Kursigu Samada ayuu ka qoran yahay, cida maanta ku fadhida samada ayey ka qornayd, barri cida ku fadhisan doonataana samada ayey ka qoran tahay, laakiin waxa loo bahan yahay qofku wuxu doonayo in uu si wanaagsan iyo waddo wanaagsan u marro. haddii aynu madaxweynaheena hore u soo dhisnay aynu imikan dhisno, haddii aynu midnimada reerkeena aynu ilaashano, haddii aynu midnimada qarankeena iyo dawladnimadeena ilaashano, waxaynu doonayno si wanaagsan baynu ku gaadhi doonaa.



Walaalayaal Maalmihii u danbeyey waxa socday Shirar doceedyo, shirar doceedyadaasi sidda ay Runtu tahay, dalka way burburinayaan, reerka way burburinayaan oo qofkii waddadii xalaasha ahayd wuxu ku helli lahaa qof aan ku kalsoonayn ayaa waddo xaaran ah waxa ku doonaya, markaa waxaanu leenahay waddada xalaasha ah waxa halagu doono, aniga iyo Maxamed Biixi iyo inta nala midka ahi waddada xaalasha ah ayaanu waxa ku doonaynaa tartanka Madaxweyne Axmed Siilaanyo Dabadii. Axmed baanu dhisaynaa Axmed baanu dabba taagan nahay, dabadiina waanu tartamaynaa aniga iyo Walaalkay Maxamed Biixi iyo Cid kasta oo Golaha dhexe ee kulmiye ku jirta, basle waxa loo baahan yahay tartanku waxbuu wanaajiya ee waxba ma xumeeyo, waayo Kooxaha Ciyaartoyaga ah Marka ay tartamayaan waxa soo baxa Xulka Ciyaarta Wanaagsan, reerka ninka u qalmaa u soo Bixi doona dabadeed reerku kaasay dhisi doonaan, kuu doono illaahaybaa og anagu taasi kalsooni ayaanu ku qabnaa. Maanta waxa inoo musharax ah Madaxweyne Axmed Maxamud Siilaanyo muran ku ma jirro salaad aan wakhtigeedii la jooginbaa la tukanayaa, Salaad aan wakhtigeedii aan la joogin in aynu tukano miyey tahay? haddii aynu nidhaahno salaadii Cishaa’i ayaanu tukanaynaa ma saxbaa soo musharaxeenu Madaxweyen Siilaanyo ma ah ma jirro Musharax kale. walaalayaal Midnimada reerka aynu ilaalino reerku waa reer Xadaarad leh Ilbaxnimo leh, waa reer siyaasad ku gaamuray oo muddo dheer siyaasad ku soo jiray haddana doonaya in Madaxweyne Axmed Dabadii Madaxweynaha ku Xiga noqdaan, illaahay wuu siin doonaaye waddadii wanaagsanayd aynu u marno Qof wal oo Han lehna cid reebi kartaa ma jirto yaan been laysku sheegin, cid reebi karta ma jirto. waad ogeydeen golayaashii deeganka reer walba labbaatanbu sharaxay waar kala daaya ayaad tidhadeen soomaydaan kari waayin, siyaasi madaxweyne u sharaxan ayaa Reebaya ee joojinaya, Siyaasada waxa lagu kala baxaa tartanka iyada oo lays jecel yahay, Axmed Siilaanyo Tartan Xalaal ahayuu ku soo baxay, tartan xalaal ah ayeynu ku dhisaynaa, cida tartanka danbe ku guuleysatana si walaaltinimo ah ayeynu u dhisaynaa taa macnaheedu ma ah cidbaynu xumaynaynaa, macnaheedu ma ah cidbaynu colaad u haynaa, inaga oo is jecel qof walba fagaaraha wuxu keenayo ee uu dadka ka iibinayo ha la yimaado, xisbiyada waxa loo sameystaa in tartan noocaas ahi dhaco weeyi. Dahabka waa la shiillaa waa la shiillaa markaasu Dahab noqdaa, qofka siyaasiga noqonaya ummadaa soo saarta isagu isma soo saaro, isagu isma soo saaro ummadu waxay ku soo saaran hibooyin illaahay siiyo, marka tartankaa la gallo midna waa la doortaa midna lama doorto, miyeynu tartankkii ka hadhnay oo aynu nidhi yaanay doorashooyin dhicin, may dalka tartanbaa ka dhacaya doorashooyinbaa ka dhacay, doorashooyinka soo socda Madaxweynaheena Axmed Siilaanyo ayaa inoo musharax ah, waan ku celcelinaynaa waayo kuwa Afmiishaarada ah ee beenalayaasha ah, ayaa waxay yidhaahdaan, Maxamed biixi iyo Cabdicasiis Madaxweyne Siilaanyo ayey kursiga ku haystaan, xagee baanu kaga haysanaa Cida Kursiga ku haysta waala yaqaan, anaguse kuma haysano, anagu wasiiradiisii ayaanuu nahay, anagu wasiiradii Axmed baanu nahay hore kursi ugumanan qabsan imikana kursi ku qabsan mayno, Anagu Naftayada waanu ku kalsoonahay, waxa illaahay qaybiyeyna waanu ku kalsoon nahay, illaahay halagu kalsoonado, waxaan Illaahay ku siina Heli maysid” ayuu yidhi Wasiir Samaale.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on November 19 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>