Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xildhibaanadii Mooshinka ka Keenay RW oo ku Kulmay Muqdisho.

 

Xildhibaanada mooshinka ka keenay ra'iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaasoo ay kaga hadleen kulanka berri loo balansan yahay ee baarlamaanka Somalia uu ka yeelanayo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda. Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay in kulankooda ay kaga haldeen kulanka berri uu baarlamaanku ku yeelan doono Muqdisho, isagoo intaas ku daray in xildhibaannadu ay kala dhageysteen warbixinno mooshinka ku saabsan.“Kulankeenna wuxuu ku saabsanaa inaan warbixinno kala qaadanno iyo tan labaad oo ah inaan kulanka berri dhacaya aan uga tashan lahayn. Annagu waxaa nahay aqlabiyada baarlamaanka, waxaa nahay xubno u taagan in lagu dhaqmo sharciga dalka… in si deggen oo dimuqraadiyad ah loo maro wax walba oo danta Qaranku ku jirto,” ayuu xildhibaan Maareeye sheegay.Sidoo kale, xildhibaanka ayaa ka hadlay khilaafka iyo heerarka uu soo maray, isagoo xusay inaanu khilaafka ka billaaban wasiir lagu bedelay mid kale uu yahay mid arrimo kale oo muddo soo tixnaa ka dhashay, ayna tahay khasab in xildhibaannadu ay mooshin ka keenaan xukuumadda iyagoo danta Qaranka iyo tan shacabka Soomaaliyeed eegaya.“Waxaan rabnaa inaan ka jaahil bixinno ummadda Soomaaliyeed in aanu ka billaaban khilaafku wasiir mid kale lagu bedleay, taasna waa mid been ah oo aan jirin. Khilaafka saddex weji ayuu soo maray. Is qab-qabsiga u dhexeeya mas;uuliyiinta dowladda waxay ahayd inay iyagu xalliyaan, balse wuu kasoo wajigii labaad ayuuna yimid, muddo ayaana la isku dayay in la xalliyo balse laguma guuleysan. Waxaana go’aansannay innagoo ah wakiilladii shacabka Soomaaliyeed in khilaafkan aan ku xallinno sharciga dalka u yaalla,” ayuu ku daray hadalkiisa xildhibaan Maareeye.Mudane Maareeye ayaa ugu baaqay xildhibaannada mooshinka keenay inay si deggen fikirkooda u soo bandhigaan, isla markaana ay xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka u caqli-celiyaan, si mooshinku ugu dhamaado buuq iyo is-qabqabsi la’aan.Xildhibaan C/llaahi Shaacir oo isna hadlay ayaa sheegay inay rajeynayaan in iyadoo la eegayo masiirka dalka iyo kan ummadda Soomaaliyeed maalinta berri ah la kala baxo.Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa ku jiray xubnihii maanta Muqdisho ku kulmay; kuwaasoo ay ku jireen; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre iyo wasiirradii ra’iisul wasaaraha u gudbiyay qoraalka ay kaga dalbanayeen inuu xilka ka dago.Si kastaba ha ahaatee, kulammada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Muqdisho ayaa sii xoogeysanayay maalmihii u dambeeyay, iyadoo koox walba oo ka mid ah garabyada baarlamaanku u kala jaban yahay inay fikirka ay qabto meel-mariso.Kulankan ayaa imaanaya iyadoo laba jeer oo hore la fowdeeyay kulammo lagu doonayay inuu baarlamaanku kaga doodo mooshinka ka dhanka ah ra'iisul waasaraha Somalia, balse lama oga sida uu noqon doono kulanka berri oo Isniin ah dhacaya. 

Hargeysa Online

· abdi on November 23 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>