Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Siilaanyo oo ka Qayb-galay aas loo sameeyey Ganacsade ay askari Toogatay.

Allaha u raxmadee waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa, marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale Gacmo dheere oo ah nin ganacsade ahaa oo askari ka tirsan ciidanka boolisku xabad ku dhuftay wakhti ay safar shaqo ku gudda jireen, kuwaas oo marayey deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.

 

Marxuumkan ayaa la socday safar uu hogaaminayey wasiirka caafimaad Saleebaan Axmed Xaglo toosiye oo cisbitaal ka soo dhagax dhigayey degmadda Oodweyne halkaasi oo uu marxuumku ku geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland, gudoomiyaha golaha wakiiladda, gudoomiyeyaasha xisbiyadda Qaranka ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo lagu aasay Xabaalaha Naaso-hablood ee Hargeysa.

Aaskan qaran oo ay isugu yimaadeen guud ahaan madaxda dalka oo iskugu jiray siyaasiyiin iyo madax dhaqameedm, kuwaas oo illahay u baryey inuu janaddii fardawsa ka wareebayo.

Madaxweynaha Somaliland, Madaxda kale ee dalka iyo haldoorka dalk ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada, bahda ganacsatada ee Marxuuku ka mid ahaa iyo guud ahaan Bulshada uu ka baxay Marxuum Gacma-dheere oo ahaa ganacsade bulshada dhexdeeda caanka ahaa.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka mid ahaa masuuliyiintii aaskaasi ka soo qayb galay aaskaasi ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan gacan ku dhiiglihii dilay marxuumka, sida ugu dhakhsaha badana loo horkeeni doono sharciga.

“Allahha u naxariisto Marxuum Xuseen Gacmo dheere, waxa dishay gacan ka xaq daran, waxa kale oo aan halkan bulshada reer Somaliland uga sheegayaa in saacada aynu joogno gacan ku dhiiglihii dacwadiisu socoto, si degdeg a ahna loo marinayo waajibkiisii” ayuu yidhi taliyaha ciidanka Booliska.

Si kastaba ha ahaatee, Alle ha u naxariistee Marxuum Gacma-dheere, ayaa ku baxay gacanta Askari ku sugnaa Bar kaantarool oo ku taala tuulada Qoton ee degmadda Oodweyne , halkaasi oo Marxmuuku kaga mid ahaa wefti la socday wasiirka Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in markiiba askarigii toogtay marxuumka ay ilaaladiisa qabteen, isla markaana xabsiga ku jiro, isagoo shacabka ka tacsiyadeeyey dilkaasi dhacay.

Illaa hadda lama garanayo sababtu askarigaasi u toogtay muwaadinkan, haseyeeshee xukuumadda ayaa sheegtay inay baadhayaan sababta keentay dilkaasi.


Hargeysa Online

· abdi on March 25 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired