Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasaarada War faafinta oo Maanta Faraha la iskula tagay iyo dhawr shaqaale ah oo la xidhay.

Khilaaf Cakiran oo Maalmihii u danbeeyay hadheeyay wasaarada warfaafinta somaliland ayaa saaka soo laba kacleeyay kaas oo dhaliyay inuu wasiirka warfaafinta somaliland albaabka ka soo xidho siinadaayo 30 ka mid ah shaqaalaha oo kaliya.

Shaqaalaha ayaa cabasho ka dhan ka hordhigay barxad hore ee wasaarada kuwaas oo ku dhawaaqayay erayo ay kaga soo horjeedaan wasiir Cukuse kuna dalbanayaan Madaxtooyada in ay ka hawl gasho Halka sartu ka qudhun santahay.

waxa ay ciidanka boolisku xabsiga dhigeen shaqaale gaadhaya 15 qof oo iskugu jira kuwa ka hawl galay idaacada iyo tvga Qaranka somaliland,Ciidamo Badan ayaa lagu xeeray xarunta wasaarada kuwaas oo xabada ku ridayay Shaqaalaha Doonayay Cadaalada.

Wasiirka warfaafinta somaliland oo warbaahinta goobta gaadhay u holatay in ay wax kawaydiiyaan ayaa cadeeyay inaanu wakhtiga diyaar u ahayn inuu dhacdadan ka hadlo,taas oo muujinaysa Siday xaalku yahay

Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta balse xogaha laga helayo wasaaradda ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillahi Cukuse shalay subaxnimadii nidar ku maray in albaabka laga saari doono shaqaalihii taageersanaa maareeyihii xilka laga qaaday ee khilaafku ka dhexeeyay Wasiir Cukuse.waxana saaka wasaarada la keenay laba gaadhi oo askar ah oo amar qaba inay xidhaan qayb ka mid ah shaqaalaha,waxanay markiiba cago-juglay iyo garaacis ku bilaabeen qaar ka mid ah shaqaalah oo kala ah.

Farxaan Finad Faarax farsamoyaqaan ka tirsan Tvga iyo Idaacada Radio Hargaysa,

Liibaan sheikh Cali Jawhar Cemeraman ka tirsan Tvga Qaranka,

Maxamed Cabdi Xato Wariye ka tirsan Idaacada iyo Tvga,

Jamaal Cabdi Naasir oo ka tirsan Tvga qaranka Somaliland

Nimcaan Axmed Cigaal oo ka tirsan Tvga Qaran;

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gaadhay Wasaarada warfaafinta iyo ciidan uu wato dajiyayna Xaalka kaas oo shir aan natiijadiisa Aan la ogayn layeeshay wasiirka cukuse iyo sababaha keena Khilaafka inta badan soo noq-noqday.

Dhamaan qaybaha wasaarada laga soo Galo wax lawareegay ciidanka RRU kuwaas oo gaadh ka haya albaabad wasaarada si aanay shaqaalaha gadoodsani gudaha ugu gudbin.

Hargeysa Online.


 

· abdi on May 06 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>