Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Diyaarad kusoo socotey Garoonka Mogdisho oo ku dhacday Waddada Afgooye.

 

Diyaarad kuwa millateriga ah oo loo maleynayo inay saanad ciidan u siddo ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa caawa fariisan weyday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna ku dhacday meel ku dhow waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan saldhig ay AMISOM ku leedahay Carbiska oo ku dhow Afgooye. Illaa hadda lama oga in diyaaraddu burburtay iyo in kale, laakiinse waxaa la sheegay inay ku dhacday meel ku dhow waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo shacabka ku nool deegaannadaas ay walaac ka muujiyeen diyaaradda. Qaar ka mid ah dadka goobjoogayaasha ah ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradda uu ka kacay dab markii caloosha dhulka dhiganaysay, inkastoo aanay jirin khasaare laga soo inay diyaaraddu sababtay.

 Taliye ku xigeenka booliiska degmada Afgooye, Cap. C/llaahi Xaaji oo la hadlay Radiyaha ku hadka afka dowladda ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday Carbiska iyo Afgooye dhexdooda, lana badbaadiyay dhammaan shaqaalihii saarnaa oo ka koobnaa lix shaqaale ah oo dhammaan ajaanib ahaa. "Waa xaqiiqo diyaaraddu way dhacday, waana la badbaadiyay dhammaan shaqaalihii oo ka koobnaa lix qof oo uu ku jiray duuliyihii diyaaradda oo ajnabi ah. waxaana haatan ku sugan goobta ciidammo fara badan oo ilaalo ka haya," ayuu yiri Cap. C/llaahi Xaaji. Sidoo kale, wararka laga helayo deegaanka Carbiska ayaa sheegaya in ciidammo badan oo Soomaali iyo AMISOM isugu jira ay ilaalo xooggan ka hayaan halka ay diyaaraddani ku dhacday, iyadoo dadka shacabka ahna aysan u dhawaan karin goobtaas. Marar badan ayay diyaaradan isku dayday inay ku dagto garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse way degi weyday, iyadoo wararka ay sheegayaan inay lugaha u bixi waayeen, balse ma jirto cid ka hadashay weli sababta ay ugu degi-waday garoonka Muqdisho. Diyaaraddan ayaa muddo saacad ku dhow ku jirtay hawada Muqdisho, iyadoo dhowr jeer dul-martay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana dadka qaar-kood ay sheegeen inay si aad ah ugu soo dhawaanaysay xaafadaha Muqdisho. Xilligan habeenka ayaanay diyaaraduhu ku degi karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sababo la xiriira garoonka oo aan lahayn layrarka haga diyaaradaha markay soo dagayaan, iyadoo diyaaraddan la sheegay inay tahay mid aad u weyn oo kuwa millateriga ah. Ugu dambeyn, weli ma jiro hadal kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la xiriira diyaaraddaan dhowrka jeer isku dayday inay garoonka ku dagto, balse ku degi wayday. mana jiro hadal rasmi ah oo ku saabsan in diyaaraddu ay ku dagtay meel ku dhow degmada Afgooye, dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM iyaguna kama aysan hadlin arrintan.

Hargeysa Online

 

· xaaji on October 13 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired